Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ah guddoomiyaha gobolka Banadir ayaa sheegay in isbaarada Taalo isgoyska Ex-Control Afgooye ay u taalo dad gaar ah kuwaas oo uu sheegay inay si xoog ah ku haystaan.
Tarsan oo arrintaan ka hadlayay ayaa yiri “Isbaarada Taala Isgoyska Ex-Control waa mid Xaaraan ah.”
Mudane Tarsan ayaa sheegay in ciidamadii ka joogay isgoyskaas ay kasoo qaateen isla markaasna wixii maanta ka dambeeya aysan mas’uul ka ahayn wixii ka dhaco halkaas oo maamulkooda gobolka Banaadir uusan shaqo ku lahayn.
Tarsan oo u muuqanayay nin si aad ah u caraysan ayaa ku nuux nuuxsaday inay halkaas ku sugan yihiin rag qaab Maleeshiyaad u abaabulan kuwaas oo si xoog ah kula wareegay maamulka isbaaradaas.
Isgoyska Ex-Control Afgooye oo ku taalla wadada laga soo galo Magaalada Caasimadda Muqdisho ayaa waxaa isbaaro lacago badan lagu qaado ay u taalaa ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaas oo ka amar qaata saraakiil sar-sare oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya.

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.