Home » Archive Daily November 23rd, 2012

Howlgal lagu soo qabtay 70 ruux oo ka dhacay Kismaayo iyo xaalada amaan ee magaalada oo kasoo raynaya

Nov 23, 2012
Ciidamada dowlada Soomaaliya ee magaalada Kismaayo ayaa wada howlgalo badan oo lagu baadi goobayo kooxo katirsan Shabaab iyo kuwa kale oo amaan xumo gaysta. Afhayeenka ciidamada dowlada ee Jubooyinka Maxamed Daahir ayaa sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay xabsiga dhigeen ilaa 70 ruux oo dhalinyaro ubadan. Dadkan xabsiga la dhigay ayuu sheegay in ay ubadan yihiin Shabaab amaan xumo ka waday magaalada... 

Ciidamada Dowlada oo ruux dhagool ah ku toogtay magaalada Kismaayo

Nov 23, 2012
Wararka naga soo garaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowlada ay saakay toogten nin la sheegay inuu dhagool aha. Ciidamada ayaa lasoo sheegayaa in ay ninkan ku dileen xaafada Calanley, kadib markii uu maqli waayay amar ahaa inuu istaago. Dad kusugan xaafada Calanley ayaa AOL usheegay in ciidamada ay istaajiyeen ninkan hase ahaatee uu maqli waayay kadibna... 

Xiisado dagaal oo ka taagan qeybo kamid ah gobolka Sh/Dhexe

Nov 23, 2012
Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in halkaas ay ka jirto cabsi dagaal, kadib markii ay isku dhawaadeen ciidamada dowlada oo kashanaya Amisom iyo kuwa Shabaab. Sida ay AOL usheegeen dad kusugan deegaanka Qalimow ciidamada Huwanta ayaa bilaabay dhaq dhaqaaq dagaal oo ku wajahan magaalada Jowhar oo ay Shabaab ku xoogan yihiin. Dadka deegaanka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ciidamada... 

Ra’isul Wasaaraha Kenya: Dano gaar ah aya laga lahaa dhacdooyinkii Gaarisa iyo Islii

Nov 23, 2012
Ra’isul Wasaaraha dalka Kenya Raila Odinga ayaa booqasho ku yimid xaafada ay Soomalida degan tahay ee Islii halkas oo sedex maalin ay rabshado ka dhacee. Ra’isul Wasaaraha oo ay wehliyeen xubno katirsan xukumada Nairobi ayaa socdaal ku maray qeybo kamid ah xaafada Islii isagoo lahadlay boqolaal ruux. Waxaa uu si adag usheegay in dhacdooyinka soo laab laabtay ee ka dhaca Islii iyo Gaarisa... 

Dowlada oo ku hanjabtay duulaan kadhan ah Shabaab-ka kusugan Sh/hoose

Nov 23, 2012
Maamulka dowlada Soomaliya ee gobolka Sh/Hoose ayaa ku hanjabay in ay qaadi doonan duulan deg deg ah oo kadhan ah Shabaab-ka kusugan gobolkaas. Isagoo lahadlayay saxaafada ayaa C/qaadir Siidi Gudoomiyaha maamulka dowlada Soomaaliya ee Shabeelada Hoose waxaa uu sheegay in ay  ka go’an tahay in Shabaab ay ka saaraan guud ahaan deegaanada gobolkas ay hatan kaga sugan yihiin ‘Al-Shabaab hada...