Home » Archive Daily November 24th, 2012
DHAGAYSO: Fah Faahin ku saabsan dagaalkii ka dhacay magaalada B/Xaawo
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya xaalada magaalada Beled-Xaawo halkaas oo ay goordhow la wareegeen ciidamada Al-Shabaab.
Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa AOL uga wamaya sida ay wax udhaceen, waxaana uu sheegay in dagaal xoogan oo ka dhacay magaalada kadib ay Shabaab la wareegeen.
Magaalada ayaa aad ukacsna waxaana laga cabsi qabaa in dagaalo rogaal celis ah ay kusoo qaadaan ciidamada Ahlu Sunna...
Deg Deg: Al-Shabaab oo goordhow si dagaal ah kula wareegay B/Xaawo
Warar si deg deg ah inooga soo gaaraya magaalada B/Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay weerar dagaal ku qabsadeen magaalada.
Dagaal xoogan oo dhacay kadib ayaa ciidamada Shabaab waxaa ay gcanta ku dhigen magaalada oo ay horey ugu sugnaayeen Ahlu Sunna Waljamaaca iyo ciidamada dowlada.
Labada dhinac ayaa isku adeegsaday hub aan caadi ahayn, waxaana jira qasaro dhimasho iyo dhaawac aan...
Kulan fashil ku dhamaaday oo Qardho ku dhexmaray Odayaasha magaalada iyo Madaxweyne Faroole
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Soomaaliya C/raxmaan Sheekh Maxamuud Faroole ayaa gaaray Magaalada Qardho, waxaana madaxweynaha uu kulamo la qaadanaya qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada.
Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Qardho kulan xasaasi ah oo dhexmaray Odayaasha Magaalada iyo Madaxweyne Faroole ayaa fashilmay, kadib marki ay Odayaasha u cuntami weysay Hadalka Faroole.
Fashilka...
Weerar lagu qaaday Jaamacada Magaalada Kismaayo oo ay degan yihiin Wafdiyo kala duwan
Waxaa Xalay Magaalada Kismaayo ka dhacay weerar xoogan, waxaana weerarka lagu qaaday Xarunta Jaamacada Kismaayo oo ah meelaha ay ka dhacayaan Shirarka maamul us ameynta Jubooyinka iyo Gedo.
Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa soo qaaday Dagaalyahano ka tirsan Alshabaab, waxayna ku garaaceen qoryaha laga tuuro garbaha iyo Rasaasta noocyadeeda kala duwan.
Gudaha Xarunta Jaamacada waxaa ku sugan siyaasiyiin...
Ra’isul Wasaaraha Kenya oo booqday Gaarisa, sheegayna in magdhow lasiinayo shacabka magaalada
Ra’isul wasaaraha Dalka Kenya Raila Odinga ayaa booqasho ugu tagay Dadki ku dhaawacmay Rabshadihii ka dhacay MagaaladaGaarisa, gaar ahaan kuwa ku jirta Isbitaalka Guud ee Magaaladaasi.
Raila Odinga oo shalay gaaray Magaalada Gaarisa ayaa kulamo la qaatay Waxgaradka Odayaasha iyo Culumaa’udiinka Soomaalida ee ku dhaqan halkaasi, isagoo la qeybsaday dhibaatada ka soo gaartay Howlgalkii Milatari ee...
Rag Hubaysan oo dil ka gaystay magaalada Afgooye iyo howlgalo dhacay
Wararka ka imaanaya Degmada Afgooye ee Gobolak Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya xalay halkaasi lagu dilay Nuur Jeylaani Cadow oo ka mid ahaa dadka degmadaasi.
Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa Toogtay marxuumka xili uu ku sugnaa Suuqa Degmada Afgooye, waxayna ku dhufteen Dhowr Xabadood, taasoo soo dadajisay geeridiisa allaha u naxariistee marxuum Nuur Jeylaani Cadow.
Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo goobta...