Home » Archive Daily November 25th, 2012
Qurbajoogta beesha Sade ee Waqooyiga Mareykanka oo baaq wada jir ah kasoo saaray qorshaha maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka
Kulamo isdaba joog ah oo ay todobaadyadii lasoo dhaafay qad Taleefan ku yeesheen qurbajoogta beesha Sade ee ku dhaqan Waqooyiga Mareykanka kana soo jeeda gobolada Jubbooyinka ayaa waxay si qota dheer uga hadleen arrimo dhowr ah oo la xariira maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka.
Qaar ka mid ah waxgaradkii kasoo qeyb galay kulamadan ayaa waxay soo bandhigeen siro qarsoon oo la doonayo in gobolada...
Wararkii ugu danbeeyay ee 4 qarax oo ka dhacay Magaalada Kismaayo
Qaraxyo waa weyn ayaa maanta ruxay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose, kuwaas oo gaystay qasaarooyin kala duwan.
Qaraxa koobaad ayaa ka dhacay xarunta maamulka magalaladam, waxaana uu ahaa bambo nooca dhulka lagu aso ah, waxaana qaraxaas uu sababay dhaawacyo iyo dhimasho soo gaaray shaqaalihii xarunta maamulka iyo ciidamo katirsan dowlada.
Labo qarax oo kale ayaa ka dhacay Aargada oo...
Ciidamo ku dagaalamay banaanka xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho
Wararka naga soo gaaraya madaxtooyada magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saakay ay dagaalameen ciidamo kawada tirsan dowlada Soomaliya.
Israsaaseyn xoogan ayaa ka dhacday afaafka hore ee Aqalka Madaxtooyada Soomaaliya, halkaasoo ay ku nool yihiin madaxda ugu sareysa dalka Soomaaliya.
Dagaalkan ayaa si gaar ah ugu dhaxeeyay ciidamada Booliska iyo kuwa nabad sugida dowlada, kadib markii uu soo kala...
Amisom oo sugaysa amaanka Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo iyo Beledweyne
Taliska Ciidamada Amisom ayaa shaaca ka qaaday in ay ka go’an tahay in ay sugaan amaanka magaalooyinka waa weyn ee ay gacanta ku hayaan
Afhayeenka ciidamada Amisom COL Cali Xaamud Aadan ayaa sheegay in Wadada isku xirta Muqdisho iyo Deegaanada Gobolka Shabeelaha Hoose ila Baydhabo ka dhacaan dagaalo iyo weeraro gaadma ah oo lala beegsado ciidamada Dowlada iyo masuuliyiinta xiliga ay ku safrayaan...
War laga helay halka uu kusugan yahay Sargaalka ugu sareeya ee Shabaab
Hogamiyaha ugu sareeya Al-Shabaab ayaa la sheegay inuu kusugan yahay gudaha dalka gaar ahaan dhanka gobollada Koofureed.
Isagoo lahadlayay qaar kamid ah saxaafada ayaa Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo shalay ka bad baaday fal iskuday ay Al-Shabaab ku qaarajin lahaayeen waxaa uu sheegay in Hogaamiyaha Shabaab uu kusugan yahay ShHoose
Xildhibaanka oo shalay booqasho ku tagay Deegaano ka tirsan Shabeelaha...
Wararkii ugu danbeeyay ee B/Xaawo oo bandow ku waabariisatay
Magaalada Bled-Xaawo oo ka mid ah Magaalooyinka ugu qadiimsan Gobolka Gedo ayaa shalay waxaa ku dagaalamay xoogaga Alshabaab iyo Ciidamada Dowlada oo ay la socdeen kuwa Ahlu Suna.
Dagaalka oo alshabaab ay ku soo qaadeen Magaalada ayaa u suurtagashay inay gacanta ku dhigaan, balse kuma nasan Xarakada Alshababa ee dib ayaa looga saaray, kadib marki ay duulaan ku soo qaadeen Ciidamada Dowlada iyo Ahlu...