Home » Archive Daily November 28th, 2012

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Amniga iyo Arimaha gudaha oo gaaray magaalada Beled-weyne

Nov 28, 2012
Wararka ka’imaanaya Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in wafdi uu hogaaminayo Wasiirka arimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariim Xuseen Guuleed uu ka dagay Beledweyne. Safarka Wasiirka Arimaha gudaha waxaa ku wehliyay Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, waxaana Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Beledweyne kusoo dhaweeyay... 

Cabsi ka jirta B/Xaawo iyo shacabkii oo magaalada ka barakacay, isgaarsiinta oo maqan

Nov 28, 2012
Wararka naga soo gaaraya magaalada B/Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas ay ka jirto cabsi dagaal oo aad uxoogan. Cabsidan ayaa timid kadib markii gudaha magaalada lagu arkay ciidamo badan oo katirsan kuwa dowlada iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca. Dadka ayaa dareen xooggan ka qaaday kadib markii hawada laga saaray isgaarsiinta magaalada B/Xaawo ilaa tan magaalada Garbaharey ee xarunta gobolka... 

Al-Shabaab oo ku hanjabay in ay qabsan doonaan Kismaayo, kana digay maamul loo sameeyo

Nov 28, 2012
Horjoogaha mileeshiyada Al-shabaab ee Jubbooyinka ninka lagu magacaabo Cabdi Raxmaan Xasan oo dhowaan baxsaday Abuu Xudeyfa ayaa ku goodiyay in markale ay qabsan doonaan magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose. Hadalkaan ayuu Horjoogaha ku sheegay Wareysi Gaar ah oo uu siiyay Idaacad Afkooda ku hadasha wuxuuna marka hore ka waramay Weerarada ay geysanayaan Mileeshiyaadkooda. Waxaa uu sheegay... 

Faahin kasoo baxaysa dagaal xoogan oo dhexmaray Somaliland iyo Khaatumo State

Nov 28, 2012
Wararka naga soo gaaraya Degmada Xudun ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu ka dhacay halkaasi kaas oo aad uu sii xoogeystay. Dagaalkaasi ayaa u dhaxeeyay ciidamada maamulka Somaliland iyo ciidamada maamulka Khaatuma State, waxaana la sheegayaa in xoogiisa uu iminka sii yaraanayo. Sida ay sheegayaan masuuliyiinta maamulka Khaatuma dagaalka waxaa uu yimid ka dib markii ciidamo ka tirsan... 

Dilal ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Howlgalo balaaran oo soconaya

Nov 28, 2012
Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay nin ku hubeysan AK-47 uu sedex qof oo rayad ah ku dilay gudaha magaalada Beledweyne. Sida wararku sheegayaan dilka dadkaan Rayadka ah ayaa ka dhacayu bartamaha Magaalada wexeyna kamid ahaayeen dadka deegaanka. Ciidamada Dowladda iyo Kuwa AMISOM ayaa saakay Baaritaan ka bilaabay Xaafadaha Beledweyne Gaar ahaan Xaafadda...