Home » News »

Al-Shabaab oo ku hanjabay in ay qabsan doonaan Kismaayo, kana digay maamul loo sameeyo

Horjoogaha mileeshiyada Al-shabaab ee Jubbooyinka ninka lagu magacaabo Cabdi Raxmaan Xasan oo dhowaan baxsaday Abuu Xudeyfa ayaa ku goodiyay in markale ay qabsan doonaan magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Hadalkaan ayuu Horjoogaha ku sheegay Wareysi Gaar ah oo uu siiyay Idaacad Afkooda ku hadasha wuxuuna marka hore ka waramay Weerarada ay geysanayaan Mileeshiyaadkooda.

Waxaa uu sheegay Cabdi Raxmaan Abuu Xudeyfa in inta ay Jiraan Mileeshiyaadka Al-shabaab ay aan wax maamul ah loo sameyn doonin Jubbooyinka.

Horjooge Abuu Xudeyfa waxaa uu ku faanay in ay weeraro la beegsadeen Ciidamada Raaskambooniyiinta iyo kuwa Kenya oo uu sheegay in ay sii wadayaan.

Wareysi dhinacyo kala duwan uga hadlayo oo uu siiyay Idaacad Afkooda ku hadasha Hoos ka dhageyso.

Riix Halkan si aad udhagaysato Waraysiga

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

4 Jawaabood " Al-Shabaab oo ku hanjabay in ay qabsan doonaan Kismaayo, kana digay maamul loo sameeyo "

  1. Jilib-dhiga says:

    Acw . Goormuu Dagaal dhamaan ???? Waxanse layaabay kan dhuumanaya ee hanjabaya !!!. Waa inaan iska tuugnaa ninkaan . Oo aan dhahnaa sxbow, fadlan iska kaaya dhaaf . Kkkkkkkkkkkk. Nin cararay oo hadana dhuumanaayo, oo wax baan rogi leh . Waa yaab !!!

  2. Mo says:

    Waxaan la yaabanahay caqli xumida
    nimankiinan webkan qora.
    War in marreexaan Al-shabaab wada yahay
    Waa lawada ogyahay. Marka adeerayaaloow
    sheekadiinu waa (Waxaad ogtahay makuu sheegaa)

  3. goobwayn says:

    salaan kadib ,mareexaanoow mawaxaad nafta ugu sheekaynaysaan waxuu ku hadaaqayo nin cararaya oo dhuumanaya war kimaayo sidaas laguma helaayo waxaad samayseena waa la ogyahay war aayar gabada oo is qariya hadii kale wax badan ayaa soo baxahaya.
    waxaan idunkula talin lahaa dadka kismaayp\o jooga waa dadkiinii ee iska daaya shabaabaa wax noo qabani.

  4. mahad says:

    Qofku markuu rabo inuu dhinto waxaan ku gartaa Mareexaan Mareexaan buu ku waashaa marka hadalada wiilashaan yar yar ay meesha ku soo qoreen waa hadaaqii nin inuu dhinto rabo baan u qaatay.