Wararka naga soo gaaraya magaalada B/Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas ay ka jirto cabsi dagaal oo aad uxoogan.
Cabsidan ayaa timid kadib markii gudaha magaalada lagu arkay ciidamo badan oo katirsan kuwa dowlada iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca.
Dadka ayaa dareen xooggan ka qaaday kadib markii hawada laga saaray isgaarsiinta magaalada B/Xaawo ilaa tan magaalada Garbaharey ee xarunta gobolka Gedo.
Dhamaan goobihii ganacsiga ayaa la xiray dadkana waxaa ay bilaabeen in ay ka barakacaan gudaha magaalada iyagoo aadaya dhanka xaduuda Mandhera.
Dhawaan ayaa dagaalo xoogan ay Shabaab ku qaadeen B.Xaawo iyadoona mudo ay hawada ka maqnayd isgaasriinta ka hor weerarkaas.
Wararkii soo kordha dib kala soco AOL insha Allah
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.