Home » News »

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Amniga iyo Arimaha gudaha oo gaaray magaalada Beled-weyne

Wararka ka’imaanaya Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in wafdi uu hogaaminayo Wasiirka arimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariim Xuseen Guuleed uu ka dagay Beledweyne.

Safarka Wasiirka Arimaha gudaha waxaa ku wehliyay Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, waxaana Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Beledweyne kusoo dhaweeyay Maamulka Gobolka, Ciidamada dowladda iyo Kuwa AMISOM.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa la sheegay in ay Kulamo la qaadanayaan Masuuliyiinta maamulka Gobolka Hiiraan, Taliyahaasha Ciidamada dowladda iyo Kuwa AMISOM.

Wasiirka arimaha gudaha ayaa la sheegay in madaxda gobolka uu kala hadlayo sidii amaanka Gobolka Gacan bir ah loogu qaban lahaa maadaama maalmihii lasoo dhaafay ay dilal barer ah ka dhacayeen.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

2 Jawaabood " Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Amniga iyo Arimaha gudaha oo gaaray magaalada Beled-weyne "

  1. rashiid says:

    WAXAA MAANTA MAGAALADA BALADWAYNE SOO GAARAY WAFDI UU HOGAAMINAAYO WASIRKA AMNIGA WAXAANA GAROONKA UGAAS KHALIIF EE MAGAALADA BALADWAYNE KUSOO DHAWEEYAY MADAXDA MAAMULKA GOBOLKA HIIRAAN OO UU UGU HOREEYO GUDOOMIYAHA MAAMULKA GOBOLKA HIIRAAN MUDANE C/FATAAX XASAN AFRAX

  2. liibaan says:

    gobolka hiiraan waxaa ka jira maamul waana MAAMULKA GOBOLKA HIIRAAN ee uu madaxa ka yahay mudane C/FATAAX XASSAN AFRAX