Home » News »

Ahlu Sunna Waljamaaca oo ka cabanaya waxyaabaha qarxa oo dhulka ku aasan

Saraakiisha Maamulka Degmada Dhuusomareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa codsaday in wax laga qabto haraadiga waxyaabaha qarxa ee ku jira deegaano dhowr ah oo hoos taga degmada Dhuusimareeb.

Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Degmada Dhuusomareeb ee Ahlu sunna Cabdulaahi Cabdi Nuur oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay inay ka cabanayaan waxyaabaha haraadiga ah ee ku jira degmada Dhuusomareeb.

Gudoomiye ku xigeen Dhuusomareeb Cabdulaahi Cabdi Nuur  ayaa sheegay in maalmahaan ay jiraan wargelin ay soo jeedinayeen shacabka ku dhaqan hareeraha degmadaasi inay ku asan yihiin waxyaabaha qarxa.

Marar badan duleedka degmada Dhuusomareeb waxaa ka dhacaydagaalo u dhaxeya ciidamada Dowlada Soomaaliya Ahlu sunna oo isku dhinac ah iyo ciidamada Alshabaab taasi oo dhalisay in waxyaabaha qarxa ay ku haraan halkaasi.

Maamulka Degmada ayaa ugu baaqay hayadaha ku shaqada leh bixinta waxyaabaha qarxa inay ka bixiyaan halkaasi haraadiga walxaha qarxa ee laga soo sheegayo deegaanada degmada Dhuusomareeb.

Hadalkan kasoo baxay Gudoomiyaha Ahlu Sunna Waljamaaca ee Dhuuso-mareeb ayaa kusoo aadaya xili dadka ay marar badan arkeen bambooyin dhulka ku duugan.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Ahlu Sunna Waljamaaca oo ka cabanaya waxyaabaha qarxa oo dhulka ku aasan "

  1. rashiid says:

    WALAALAYAAL DOWLADA SOMALIYA WAXAAY MAANTA SHEEGTAY IN AHLULSUNAH IYO RAASKAMBOONI LAGA DHIGAY CIIDAMADA DOWLADA EE DALKA SOMALIYA SIDAAS ULA SOCDA MAANTA WIXII KA DAMBEEYO AHLULSUNAH WAX LA DHAHO MA JIRTO DALKA DOWLAD BAA KA DHALATAY RAIISAL WASAARE SAACID UU HOGAAMIYO XAFIDULAAH