Home » News »

Isbaarooyinkii yaalay magaalada Muqdisho oo si xoog ah lagu qaaday

Ciidamada dowlada Soomaliya ayaa  maalmahaan magaalada Muqdisho  ka wada howlgalo lagula dagaalamayo dhamaan isbaarooyinka yaalay degmooyinka gobolka Banaadir halkaasi oo lagu qaadi jiray lacago sharci daro ah.

Waxaa saaka Degmada Wadajir laga qaday Afar isbaaro oo lagu qaadi jiray lacago faro badan kuwaasi oo laga cabsi qabay in dhiig uu ku daato qaaditaankooda.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka isbaarooyinka ayaa yiilay isgoyska Danwadaagaha iyo xaafada buulu xuubeey,waxaana saaka la arkayaa iyadoo aan lagu qaadaynin wax lacago ah.

Qaar ka mid ah darawalada gaadiidka kaxaysa ayaa Muqdishonews.com u sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin in la qaado isbaarooyinka yaala degmooyinka gobolka Banaadir.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada Wadajir taasi oo ku aadan isbaarooyinka laga qaaday maanta degmadaasi Wadajir.

Sidoo kale isbaarooyin yiilay degmada Dharkeynlay ayaa gabi ahaanba la qaaday iyadoo arintaasi ay soo dhaweeyay shacabka degan magaalada

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa dhawaan amray dagaal kadhan ah kooxaha Burcadda ah ee amaan xumada iyo isbaarooyinka ka wada Muqdisho in laga hortago

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.