Home » News »

Odayaaha dhaqanka beesha Sade ee Muqdisho ayaa maanta kulan saxaaadeed ay Muqdisho ku qabteen ku cadeeyay mowqifkooda ku wajahan maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka (Dhageyso)

Kulan saxaafadeed ay maanta Muqdisho ku qabteen Odayaasha dhaqanka beesha Sade ee ku sugan Muqdisho ayaa waxay si cad ugu sheegeen mowqifkooda ku wajahan qorshe intii muddo ahba socday ee la rabo in maamul loogu sameeyo gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

War-saxaafadeedka oo ahaa mid ay kasoo qeyb galeen idaacado isugu jiray maxali iyo kuwo caalami ah, ayay odayaashu ku sheegeen in marxaladaha dhinacyada siyaasadda iyo amniga ee ay hadda ku jiraan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo awgood, aanay habooneyn in si Deg-Deg ah loogu dhawaaqo maamul goboleed ay ku mideysan yihiin gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

“Waan soo dhaweyneynaa in maamul loo sameeyo saddexdaan gobol, balse waxaan qabnaa in aan qorshaha noocaas ah lagu deg-degin ee la sugo inta laga xoreynayo deegaanada ay wali Al-shabaab ku sugan yihiin, markaas kaddibna la’isugu yeero shirweynana loo qabto odayaasha, siyaasiyiinta iyo waxgaraka gobolada Jubbooyinka si ay aayahooda si wada jir ah uga tashtaan”, ayay yiraahdeen odayaashii dhaqanka beesha Sade ee maanta Muqdisho kulan saxaafadeedka ku qabtay.

Odayaasha ayaa waxaa kale oo ay yiraahdeen “sida uu qabo dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, talada kama danbeysta ah ee maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka iyo Gedo waxaa iska leh bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan saddexdaas gobol ee la rabo in maamul loo sameeyo, ayaga oo waxii talo iyo gacan ay u baahdaana weydiisanaya dowladda dhexe ee Federaalka Soomaaliya, AMISOM iyo Kenyana ay ku ekaadaan oo kaliya in ay dowladda Soomaaliya gacan ka siyaan adkeynta amniga gobolada.”

  Halkaan ka dhageyso Cabdiraxmaan Malay oo ka war-bixinaya war-saxaafadeedkii ay maanta odayaaha dhaqanka beesha Sade Muqdisho kasoo saareen

C/raxmaan Maxamuud, Muqdisho/Somalia.

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

21 Jawaabood " Odayaaha dhaqanka beesha Sade ee Muqdisho ayaa maanta kulan saxaaadeed ay Muqdisho ku qabteen ku cadeeyay mowqifkooda ku wajahan maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka (Dhageyso) "

  1. Ali says:

    Rer gedo xaadii eeykuuadkaastaan iin diib loodiigoo Malamul uu saameenta juboyenka gedo waan iskaa gooynaaynaa jubodaa hoose Iyo deexe Ayanaa Malamul uu diisaanaayna.rer gedo ayaan uu daanaaynaaynee ee xaadii aay gaaraanii waayeen waan kaadaanaaysaanaayna

  2. A.A.Xade says:

    Digil iyo ma nihin Mirifle iyo Duul is biirsadaye.
    Dalkii aan lahayn bay rabaan inaay Dumaalaane.
    Dulsaar iyo maxaa inaga dhigay Damaci hooseeye?

    Dadkaad Digada mooddaan nahiyo Danabki Daaroode.
    Maxaa Dood geliyey Duulyahow Deginka aan joogno?
    Xaabsade inuu Damac xun galay kamaba Diirtaane.

    Innagay ahayd inay Dadkuba naga Dab qaataane.
    Daba socod maxaa inaga dhigay waa Darxumo weyne?
    Dawersade u Duurxulay Sedaay Dunidi joogtaaye.

    Nimaan Dowlad rabin baad wallee Daba ordeeysaane.
    Jubbadaa aad Diideen haddaadan Dacalka soo saarin.
    Duggaalsada nin Diirkiina nacab Duugga waad gurane.

  3. Wiil sade says:

    Odayaasha dhaqanka waxaa looga baahanyahay in ay dadka ku hogaanshaan maamul laakiin hadii la dhaho wax kasta ha la mucaarado taasi waa dhibaato
    Tusaale in aan mar walba isku xirno Xamar oo aan waxba ka soo socon waa nasiib darro aan wax la qeybsanno walaalaheenna Daarood & Soomaalidakale ee ku nool Jubbaland

  4. rashiid says:

    GOBANIMO HADAA NAHAY DHALINTA BEESHA XAWAADLE EE KU NOOL GOBOLADA HIIRAAN IYO SHABEELADA SARE WAANU U HAMBAL YEEYNEEYNA DADKAAS SOMALIYEED EE MAAMULKAAS DHISANAYA WAANA MUHIIM IN DADKA WALAALAHA EE WADA DEGAN WAX WADA QABSADAAN MARKA WAAN KU FARAXSANAHAY INAAN MAQLO FIKIRKA ODOYAASHA EE MAANTA KULANKAAN YEESHAY

  5. QOQAANI says:

    shirka waa sucdaa wuxuuna bilaabmay 2sano ka hor marka dadka halaga daayo dhibka lagu hayo oo malinkasta nin baa ka hadlayo muqdisho arinta u taalo reer muqdisho waxay u taalaa waa dadka dega jubooyinka iyo gedo,

  6. kamaal says:

    Hawiye amaah waxba kuma bixiyo

    Afakaan waa kii xassan clasow. Meeshan wixii Daarood u soo halgamey waddan kale la keenay. shaqadaas xajmiga ay leedahay iyo guusha laga soo hooyey ciidankii irir ee tiradii la ogaay lahaa ee godane hogaaminayey oo laga kiciyey kismaayo waa yaab yaabkiis. Arrintaa haddii amaah lagu siiyo hawiye iyo xulafadiisa daarood waa u dhamaatey. Hawiye amaah waxba kuma bixiyo. weligood ma cambaareeyaan dadka ay is wataan. weligood isaaq waxaba kam sheegaan. Haddii faroolena isaaq taageero saacidna Hawiye yaa meesha ka baxaya is weydii.

  7. wiil sade says:

    waxaad moodaa in tolkay lasixrey,war xamar isbaaro iyo dil mooyeee waxkale hakasugin,midakale maxaa idiin diidey inaad tlkiin dhinackaraacdaan

  8. Puntlandpost says:

    Hadaan nahay Ciise maxamuudka Kismaayo dega laakiin hada Garowe qaxooti ku ah Barre Hiiraale dartii, waan ka xunahay baaqaan beesha Sade kasoo yeerey.

    Abe Jaalle Faroole waligiis hanoo hayo.

  9. garaad says:

    CANAAN KU SOCOTA BEESHA SADE waxaa nasiibdaro ah hadii qofka bini aadmiga ahi uu garan waayo marka wax laqaysanayo cida uu matalo isla markaana uu ku qayb qaadanayo
    marka waxaan rabaa in aan waydiiyo beesha sade markii ay beelaha somaaliyeed dhismaha dawladii ku meelgaadhka ahayd
    beesheed wax ku qaadateen ma hawiyaa Ma dirbaa ma digil iyo miriflaa ma daaroodbaa haday jawaabtu noqoto daa rood
    maxaa idiin diiday in aad lasafataan beeshiina is markaana aad ka dhii dhidaan dulmiga laguhayo beeshiina aad masuuliyada ku qaadateen
    mise waxaad u aragtaan in xilka aad haysataan uu hawiye sadaqo idiin siiyay
    waana sida ay hada u muuqato arintu in aad sidaas aa minsantihiin waayo ilaa hada lamahayo idinka oo ku hadlaya afka beesha daarood eed ku qayb qaadateen
    halka masuuliyiinta kale ee beeshooda u qayb qaaday habeen iyo maalinba ay difaacayaan beelahooda Habeen iyo maalina ay ku hawlanyihiin sidii ay u soodhicin lahaayee xaqa beelahooda ay meesha u joogaan
    halka ay beesha daarood is waydiinayaan waxa uu la aamusan yahay RW[saacid] isaga oo waliba awoodiisii rag qayrkii ahi ay kafara maroor sadeen
    ugu danbayn waxaan saacid kula talin lahaa in uu iska casilo xilka haduunan maslaxada beeshiisa difaacikarin inta uu beesha u soojiidi lahaa shafar dhac ceeb ayaan daro iyo waliba duli iyo taariikhxumo aan hadhaynin
    waxaana ay dhabtu tahay maalinba nin baa matali doona beesha waxayna taariikhdu xusi doontaa nin waliba wuxuu qabtay
    beesha sadana waxaan u sheegayaa in aynan kasoo jeedin hawiye iyo irir niman daarood ah yihiin
    waxaana ayaan daro ah in ay beesha sade marwalba ku hadasho afka beesha hawiye oo ah tii bur burisay dawladii dhexe ee uu siyaad bare madaxda ka ahaa
    is markaana barakaca ku samaysay iyo boobka beesha daarood
    waxaana wax laga xumaado ah in ay maanta beesha sade lagarab taagantahay beesha hawiye hiil iyo hooba
    marka waxaan leeyahay beesha sade somalida ayaa waxay ku maah maah daa [hal waliba geeleeda ayay boqol; kutahay]
    idina beeshiina yaad boqol ku tihiin

  10. Waamo says:

    Warkuba. Haba yaraadee. Gedo. Halagu Daro. Baay iyo Bakool oo awalba. Alto juba Ayaa laysku dhihi jiray. AMA markaa. Afkii. USC. Halagu hadlo AMA afka juboyinka Aan aragnee

  11. NINYOHOW AFKII XAMAR BAAD KU HADLAYSAA, AFKII SADENA KUMANA HADLAYSID SINABA BAL HADII AAD U SUXUL DUUBAYSID
    SIDAAD HORE U KHALDANAYD WAXA KU SUGAYA WAA BAY IYO BAKOOL EE BAL KASOO TASHO, WAXAAD HAYSATAA WAQTI YAR

  12. Abdiqani says:

    ASC waa fiicantahey inaad mowqifkaaga caddeysatid si loo ogaado meel laguugu soo hagaago well done, laakiin waxaan fahmi la`ahey beelaha kale ee jubbooyinka dega raaskambooni waa la gartaye kuwa kale maxay uga aamunsanyihiin mise raas kambooni bay ku mowqif yihiin beesha majeerteen oo waayihii ugu horreysay laga seexan waayay maxaa aamusiyey oo lagu qanciyey?. mise waa kabta iyo laxda, Sade ha la faquuqo (same old fairy tale).

  13. somali says:

    meel aan maamul lahayn xoraynteedu waxba soo kordhin mayso. markuu wadanka ama deegaanku maamul leeyahay iyagaa laga sugaa xoraynta iyo kala danbaynta lakin meel aan maamul lahayn waa meel isku dhex yaacsan.marka maamul wax loo diido ma aha xorayn. dad aan maamul lahayn maxay xorayn? totally dad muqdisho jooga inay ka hadlaan deegaan aysan ku sugneen waaba khalad!

  14. bashka gedo says:

    darood waa kuwa dumiyay siyaad bare government laga soo bilaabo 77 up to 91 cabdullahi yuusuf to ina cumar jees ,gabyow ,morgan . mareexaaan waa katashaday laqdabo fara badan hawiye waan ka qaadan karaa cadkeyga duli ninkii raba asagey utaaldhaaxaan la igu yiri daarood ismaaciil adeer nagala warkaas waa naga soo booday bay iyo bakool ama jubooyin anagaa kaa naqaan aayaheena isku tasho daarmaoodayaalkiiyow ummada waliba aayeheeda inay garato iyadaa iska leh

  15. sadaq says:

    Xaalada markey cuslaato ayey xasuustaan magaca darood war nin aan waligii maamul sameynin miyaa maamul laga sugaa ee howsha haa loo daayo dadki taariqada u lahaa odiyaasha muqdisho jooga waxaadan arkin ayey arkaan waayo somalida ayaa horey u tiri nin aan talin jirin haduu taliyo niman tagey jirin ayaa taga ee somaliyey ha loga dambeyo beesha sade talada dalka

  16. Osman says:

    Beesha Sade waxaa ila quman in ay si Hoos ah u tashadaan jaaniskaan wailgood am soo Marin Magicii daarood in ay raiisal wasaare ku haystaan. In kismaayo la leeyahay kaalaya oo maamula , in Gobolada dhexe loo ogoshahay iyagoo ahlu sunah ah , iyo walina puntland oo ay ku biiri karaan , qaxootigooda oo wajeer laga siiyo kibaandha yaal si ay dagaan u noqdaan. Markaa nimcadaasi ayay siyaasad ay ku haystaan ayay la yihiin War niman yahoow maxaa idinka khaldan majeerteen iyagoo puntland ah ayay ra iisal wasaare ahaayeen. Kismaayana qayb ku lahaayeen ee miyaad ka siyaasad xuntihiin. Gedo iyadaa u baahan kismaayo. Daaroodka jubbana Tolka gaduu u baahanyahay. Hadaad diidan ogaada in luuqadiina xitaa la badali doono oo af maymay la idinku qasbi doono

  17. mansha allah sax fikirka wada qabna besha sade abe waxa taha ugas ugas dhalay sidi ugaska ayad uhadasha…illahay umada nabad hadhexdhigo ado kalana hakadhigo abe macane I love you so much

  18. Gesigi sade says:

    Hahaha doqoni markay xanunka argto bey walalked xasusata darod nimada ad shegeysan awal inte jirtay aqliki doqonka e majerten ila imada mamul an sade hos imanen ha gu fakirina rw sacid tolki y dhalashadi bu xilka ku hesta darodka ad shegysan adinka la idindhaha apti viva boqorada rer sade

  19. ANIGU RUNTII UMA,ARKO IN AAN AAN WAX AANAN U QALMIN ILMO SADE DAAROOD KA SHEEGO,BAL MARKAAN ARKO KIIYOO SARAR SITA BAAN ISKU DAYAA IN AAN YABQO,QOFKU WUU NOQON KARAA QOF KAA RA,YI BEDELAN SI KALE WAX U ARKA,
    FEGRADIISA DHIIBANAYA, BAL TANOO KALE MA,AHA WAAA
    DHISMIHII GURIGAAGA, WAA SHARAFTAADA, WAA MUSTAQBALKAAGI,SAA DEARTEED LAGA FIICAN IN AAD QOFKALE
    AFKII KU HADASHID,EE ADIGA MUCAARAD KUGU AH,SOOMALIYA
    WAA FEDARAL WAXAYNA NOQON GOBOLO ISU TEGEY,SAA DARTEED MA,ARKO XAMAR BAAN KU HARI,NINKA AAD KU HARAYSO 22 SANO BAY KITAAB MARAYEENE AAWAY,,,WAR DANAYSO WAXKALE EE AAN KU IRAAHDO GARANMAAYO E

  20. Waamo wad isku xaartay bay iyo bakool wa dad ila dhashay kenyan iyo eithopian midna maha mida kale bay iyo bakoolna wn ku biirayaa jubadana kulali hi kwrn he

  21. Daarood says:

    Daaroodnimadu. Waligeed. Waa. Jirtay. Oo. Hadaan. Daarood jirin. Saacid. , hawiye masiiyeen raisalwasare. Oo. Raxanwayn Ayaa lasiin lahaa.