Home » News »

Tarsan oo ogaday sababta ay usoo laab laabtan dilalka qorshaysan ee Muqdisho

Xili ay sii kordhayaan falalka dilalka ah ee ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa waxaa arintaas si adag kaga hdlay gudoomiyaha maamulka dowlada ee gobolka Banaadir.

Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ahna Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda amaan ee Gobolka iyo guud ahaan dadaalada lagu xaqiijinayo horumarinta Magaalada Muqdisho.

Tarsan oo Wareysi gaar ah siiyay Taleefishanka Universal ayaa sheegay in Amniga uu soo hagaagayo balse Caqabada heysata ay tahay in uu Masuqmaasuq jiro.

Waxaa uu sheegay in dhalinyarada ka tirsan Al-Shabaab ay ku dhiiragalineyso in ay Rabshadaha iyo dilalka qorsheysan sii wadaan maadaama ay ogyihiin in lasoo deynayo.

“ Marka Al-Shabaab lasoo xiro wexey ogyihiin in qaab qabiileed lagu soo deynayo sidaas darteed ayey dilalka usii wadaan “ ayuu yiri Tarsan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada dowladda ay ku dadaalayaan in ay amaanka Xaqiijiyaan balse caqabada heysata ay tahay in marka ay Shabaab soo qabtaan qaab qabiileed hoose lagusoo deynayo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in xiligii uu hayay jagada gudoomiyaha gobolka Banaadir uu qabtay waxyaabo badan oo ku aadan nabada Soomaaliya.

Hadalkan kasoo baxay Mr Tarsan ayaa kusoo aadaya xili Muqdisho ay ka dhacaan dilal u umuuqda in ay yihiin kuwa qorshaysan.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.