Home » News »

Dagaal xooggan oo ka dhacay deegaanka Shalanbood ee Gobolka Sh/Hoose

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Shalaambood ee gobolka Sh/hoose ayaa waxay sheegayaan in al shabaab weerar ku qaadeen fariisin ciidamada dawlada kulahaayeen deegaankaasi.

Weerarka ayaa waxa uu ahaa mid la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan iyadoona khasaaro xoogan kala gaareen dhinacyadii dagaalamay.

Deegaanka shalaambood ayaa waxa la sheegay in xaaladeeda saaka ay deggan tahay kadib markii al shabaab ay weerar ku qaadeen xalay deegaankaasi.

Qaar ka mid ah goob joogayaasha kusugan deegaanka Shalaambood ee gobolka Sh/hoose ayaa soo sheegaya in maalmihii dambe shabaab ay sii kordhiyeen weerarada ay ku qaadayeen fariisimaha ciidamada halkaasi ku leeyihiin.

Saraakiisha ururka Al shabaab ee kusugan degmada Baraawe ayaa waxay masaajida ka sheegeen in lasii kordhin doono weerarada lagu qaadayo goobaha ciidamada dawlada kuleeyihiin deeganada Sh/hoose.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.