Home » News »

Lafoole: Waxyaabaha Qarxa iyo Shabaab-kii watay oo gacanta lagu dhigay

Ciidamada nabad sugida gobolka Sh/Hoose ayaa gacanta kusoo dhigay waxyaabaha qarxa iyo dadkii watay oo la sheegay in ay Shabaab yihiin .

Howlgallo xalay ay ciidamada nabad sugida ka sameeyeen deegaanada degmada Afgooye gaar ahaan Lafoole  ayaa waxay kusoo qabteen hub iyo waxyaabaa qarxa.

Baaritaanada ayaa waxa ciidamada Dowlada ay ka sameeyeen dhamaan xaafadaha degmada Lafoole ee Gobolka Shabeelaha Hoose halkaasi oo ay ka warheleen inay yiileen waxyaabaha qarxa.

Taliyaha Saldhiga Degmada Lafoole ee Gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Axmed Maxamuud ayaa warbaahinta u sheegay inay ka warqabeen waxyaabaha qarxa ee yiilay Lafoole.

Waxa uu xusay in ciidamada Dowlada ay baaritaano xaafad xaafad ah ka sameeyeen degmada lafoole,waxaana uu sheegay inay kusoo qabteen waxyaabaha qarxa iyo hub fudud.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii ciidamada Dowlada Soomaaliya ay waxyaabaha qarxa kasoo qabteen degmada lafoole iyo deegaano kale oo hoostaga degmada lafoole.

Degmada Afgooye ayaa waxaa ka dhac weeraro qorshaysan oo ay gaystaan dad lagu sheegay in ay katirsan yihiin Al-Shabaab.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.