Home » News »

Ciidamada dowlada oo toogtay askari isbaaro dhigtay degmada Dharkeenley

Wararka ka imaanaayo degmada Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in nin askari ah uu isku dayay inuu isbaaro dhigto goob ay Baabuurta maraaan oo ku taallo deegaankaas.

Ciidamada Amaanka degmada Dharkeenley ayaa lagu soo wargaliyay in nin ka tirsan ciidanka militaarka uu isbaaro dhigtay  isla markaasna u dhaqaqay iyagoo kadib ku amray inuu dhigo qoriga laakin ka madax adeegay iskuna dayay inuu rasas ku furo kadibna ay tootgeen ciidamadaas.

Degmada Dharkeenley ee gobolka Banadir ayaa kamid ahayd deegaanada sida weyn ay u yiileen isbaarooyinka lacagaha baadda lagu qaadan jiray waxaana haatan ay si rasmi ah looga dhawaaqay degmooyinka gobolka Banadir inan la dhigan Karin isbaarooyin.

Madaxweynaha Somalia Xasan Shekh Maxamuud ayaa amar ku bixiyay in la qaado dhamaan isbaarooyinka yaalla deeganada ay ka taliyaan ciidamada dowladda somalia isla markaasna qofkii diida laga qaado tallaabo sharciga waaqafsan.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.