Home » News »

Dagaalkii ugu qasaaraha badnaa oo Beelo Soomaaliyeed ku dhexmaray bartamaha Soomaaliya

Wararka naga soo gaaraya Deegaano katirsan bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in ku dhawaad 40 qof ay ku dhinteen dagaallo xoogan oo ka dhacay halkaas.

Dagaalkaas ayaa udhaxeeya beelo wada dega  bartamaha dalka ayaa waxaa uu ka bilowday ceel biyood la isku haystay, iyadoona hatan ay warar kala duwan soo baxayaan.

Dad kusugan halka lagu dagaalamay ayaa AOL usheegay in dagaalka laga soo qaaday Ceel-Buur ayna laayeen dad kasoo jeeda Ximan iyo Xeeb oo kusugnaa cel-biyoodka.

Markas waxaa ciidamada soo duulay ay dileen ila 30 nin oo kasoo jeeda magaalada Cadado, iyadoo ciidamo ka baxay Cadaada-na ay ku biireen dagaalka oo dhimashadiisu ka badan tahay 40 ruux.

Xaalada ayaa wali ah mid kacsan, waana dagaalkii ugu qasaaraha badnaa ee beelo Soomaaliyeed ku dhexmara gudaha Soomaliya.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.