Home » News »

Maamulka Sh/Dhexe oo dowlada uga baaqay in ay ciidamada nabad sugida gayso gobolkas

Masuuliyiinta maamulka Gobolka shabeelaha dhexe ayaa dalbaday in ciidamo ka socda Nabad sugida iyo Boolis la geeyaa deegaanada lagala wareego Alshabaab ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Afhayeenka maamulka Gobolka Shabelaha dhexe ayaa sheegaya in ciidamada Dowlada Soomaaliya ay la wareegayaan deegaanada ay gacanta ku hayaan Alshabaab ee Shabeelaha dhexe.

Daa’uud Xaaji Ciiro,Afhayeenka maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in ciidamada Booliska iyo Nabad sugida Gobolka ay ka qaban doonaan dhanka amaanka goobaha ay kala wareegaan Alshabaab.

Isagoo sii hadlayay ayuu xusay in ay horay u dalbadeen in ciidamo nabad sugid ah la gaarsiiyo kuwaasi oo amaanka xaqiijinaya,laakiin aan  looga jawaabin sida uu sheegay.

Waxaa uu mar labaad ka dalbaday maamulka Gobolka in deegaanada ay kala wareegaan Alshabaab la gaarsiiyo ciidamo boolis iyo Nabad sugid ah.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.