Home » News »

Wafdi ka socda dowlada Jabuuti oo goordhow gaaray magaalada Beledweyne

Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkas uu goordhow gaaray wasiirka gaashaandhiga dalka Jabuuti.

Wafdigan ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyne xarunta gobolka Hiiraan iyadoona amaanka si weyn loo adkeeyay.

C/Kariim Maxamed Kaamil Wasiirka Gaashaandhiga Jabuuti ayaa waxaa safarkiisa Beledweyne ku wehlinaya Taliyaha Nabad sugida Jabuuti Xasan Saciid, Abaanduulaha ciidamada xooga dalkaas Zakariye Sh Ibrahim iyo Masuuliyiin kale.

Ciidamo badan oo Jabuutiyaan ah ayaa lagu arkayaa gudaha magaallada iyadoona la xiray jidad badan oo magaalada ah, waxaana wafdigan ay kulamo la leyihiin Saraakiisha Jabuuti iyo Maamulka dowlada ee gobolka Hiiraan.

Lama oga waxyaabaha ay ka wadahadli doonaan wafdigan tagay magaalada iyo maamulka gobolka Hiiraan iyo sidoo kale Saraakiisha Amisom ee Beledweyne  kusugan.

 AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Wafdi ka socda dowlada Jabuuti oo goordhow gaaray magaalada Beledweyne "

  1. liibaan says:

    WAXAA MAANTA YIMID MAGAALADA BALADWAYNE WAFDI UU HOR KACAYAY WASIIRKA GAASHAANDHIGA EE DALKA JABUUTI WAXAANA WAFDIGA KUSOO DHAWEEYAY GAROONKA UGAAS KHALIIF EE MAGAALADA BALADWAYNE MADAXDA MAAMULKA GOBOLKA HIIRAAN EE UU UGU HOREEYAY GUDOOMIYAHA MAAMULKA GOBOLKA HIIRAAN MUDANE C/FATAAX XASAN AFRAX IYO TALIYAHA CIIDAMADA MAAMULKA GOBOLKA HIIRAAN COLONEL TAWANE GUREY