Home » News »

Al-Shabaab oo weerar dagala ku qaaday labo wasiir gobolka Sh/hoose

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii oo la hadlay VOA aya sharaxaad ka bixiyay ka bixiyay waxyabaha keenay in wafdi ka tirsan wasiirada Soomaaliya labo mar lagu weeraro gobolkaasi Shabeelaha Hoose.

Gudoomiyaha aya xaqiijiyay in maanta weerarkii labaad loo geystay wafdi uu kamid yahay wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya iyo wasiirka arimaha gudaha ee dalka.

Waxa uu sheegay in weerarkii maanta uu dhacay markii hore qarax lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamada Booliska ee uu taliyaha u yahay Shariif Sheikhuna Maya.

Qaraxaasi ayaa waxaa ka dhashay dhaawaca shan ka mid ah askartii saarneyd sida uu sheegay Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale Cabdiqaadir Siidii ayaa sheegay in muddo kooban dagaal uu dhexmaray ciidamada Dowlada iyo kuwa Alshabaab kaasi oo ka dhacay meel aan sidaasi kaga fogeyn Marka.

Dhibaatada soo laalaabatay ee ah weerarada lala eegto masuuliyiinta dowlada ayuu ku sheegay inay ugu wacan tahay ciidamada Nabad sugida oo aan xaqiijin amaanka wadadaasi.

 AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.