Home » News »

Golaha barlamaanka oo uyeeray labo kamid ah golaha Wasiirada dowlada

Labo ka mid ah wasiirada xukuumada R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa looga yeeray inay hor imaadaam baarlamaanka Soomaaliya.

Muddo lix maalin ah ayaa loo qabtay inay mudanayasha baarlamaanka ku hor yimaadaan labo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirada kala ah wasiirka  arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumada Soomaaliya iyo wasiirka Gaashaandhiga ayaa looga yeeray inay ku hor yimaadaan baarlamaanka Soomaaliya.

Dhawaan ayaa labada wasiir looga yeeray baarlamaanka hortiisa iyadoo tanna ay noqonayso markii labaad oo looga yeero baarlamaanka hortiisa.

Maxamed Cismaan Jawaari gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo maanta baarlamaanka ka hor hadlayay ayaa sheegay in labada wasiir ay ku cudur daarteen howlo shaqo.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta muddo lix maalin ah u qabtay wasiiradaasi si loo weydiiyo su’aalo ku aadan howladooda.

Dhanka kal baarlamaanka waxay ansixiyeen maanta qodobada xeer hoosaadka baarlamaanka Soomaaliya uu ku shaqeynayo bilaha soo socda.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.