Home » News »

Masuuliyiin katirsan dowlada Soomaaliya oo ka bad baaday shil diyaaradeed

Diyaaradda African Airweys oo ay saarnaayeen Rakaab dhan 200 oo qof oo ay ku jireen Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo u kala goosheysay Nairobi-Muqdisho ayaa shalay markii ay hawada gashay Cilad ku timid taasi oo sababtay in Diyaaradda ay dib ugu soo laabto Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Nairobi.

Diyaaradda ayaa ka kacday Garoonka Joma Kenyatta International ee Magaalada Nairobi, wexeyna kusii jeeday Aadan Cadde International ee magaalada Muqdisho, waxaana markii ay hawada ku maqneyd 15 daqiiqo kadib la ogaaday in Diyaaradda ay cilad soo wajahday.

Waxaa saarnaa 200 oo Rakaab ah waxaana ku Jiray Rakaabkaasi Xuildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo uu kamid ahaa Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Magaalada Nairobi Maxamed Cali Ameeriko.

Diyaaradda ayaa markii ay kusoo laabatay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Nairobi waxaa laga hagaajiyay Cilad dhinaca matoorka aheyd, hase ahaatee markii ay hawada ku laabatay 15 daqiiqo kadib ay hadana Ciladii soo laabatay hadana waxaa lagusoo dajiyay Garoonka Joma Kenyatta.

Rakaabkii diyaaradda ayaa Caawo la seexiyay mid kamid ah Hoteelada ku yaala magaalada Nairobi, waxaana lagu wadaa in bari loo qaado Magaalada Muqdisho.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.