Home » News »

Maxaabiis Shabaab ah oo ka baxsaday xabsiga dhexe ee magaalada Kismaayo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhaba ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in xabsiga magaalaasi ay ka baxeen Maxaabiis Alshabaab ah.

Ku dhawaad 7 maxbuus oo Alshabaab ah ayaa la sheegayaa inay ka baxsadeen saldhiga magaalada Baydhaba kuwaasi oo ku xirnaa saldhiga.

Masuuliyiinta maamulka magaalada ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan qaabka ay Alshabaab kaga baxeen saldhiga magaalada Baydhaba iyadoo aan faahfaahin dhab ah aan laga heynin.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in la xeray dhamaan askartii ilaalada ka aheysay saldhiga magaalada Baydhaba.

Inkastoo aan la hubin qaabka ay ku baxsadeen Alshabaab ,haddana wararka qaar ee la helaya ayaa sheegaya in ciidamada Alshabaab ee ka baxsaday saldhiga magaalada Baydhaba ay qoteen dhulka.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka magaalada Baydhaba iyo kan gobolka oo ku aadan baxsadka ay sameeyeen ciidamadaan Alshabaab ahaa.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

4 Jawaabood " Maxaabiis Shabaab ah oo ka baxsaday xabsiga dhexe ee magaalada Kismaayo "

  1. wiilwaal says:

    KkKk gacantiibaa kismaayo uun jeclaatay yaab dadkiiba ilaahay kosmaayo uun kasiiyay bal fiiriya kan kismaayo ku khal khalay

  2. Buurfuule says:

    Asc, Maamulka webka fadlan qof idinka mid ah markuu wax qoro intaan bogga lagu soo daabicin dib haloo akhriyo oo hala saxo, sababtoo ah waxa cinwaanka ku qoran iyo waxa aad ka hadlaysaan isma laha, teeda kale maalin dhan buu bogga sidaas ahaa, marka ma ugu talogasheen mise? Igana raali ahaada hadaad qoraalkayga dhibsataan.
    —————-

    From: Allgedo Online

    Akhriste, si aad u weyn ayaan kaaga mahad celineynaa qaladka aad aragtay ee la xariira qoraalada Allgedo ku jira sida midkan aad noo soo gudbisay ee uu CINWAANKA IYO QORAALKA ISQILAAFSAN YAHAY.

    Maya saxiib, ma jirto wax ula kac ah ee aan sidaas u sameynay, balse sida muuqato waa qalad ka dhacay wariyaha wararka Allgedo galiya.

    Dhanka kale, saaxiib waxaad tiri “…teeda kale maalin dhan buu bogga sidaas ahaa, marka ma ugu talogasheen mise? Igana raali ahaada hadaad qoraalkayga dhibsataan.”

    Saaxiib, adiga oo mar kale mahadsan, waxaan kaa codsaneynaa in aad noo soo sheegto taaiikhda maalinta dhan ee qoraalo qaldan Allgedo la galiyay.

    Mahadsanid.

    Maamulka AOL

  3. joore says:

    Sade kismaayo waa uga dhamaatay ku qafiifa ama haa ku qafiifina

  4. Xaq u dood says:

    War maxaa un Kismaayo idinka siiyay. Saaxiib raali gelin ayaa lagaaga baahan yahay!