Home » News »

DHAGAYSO: Ra’isul Wasaare Dr Saacid oo amaanay maamulka Kismaayo

Iyadoo maalmahaan dambe Ciidamada Sirdoonka Kismaayo ay aad u Shaqeynayeen oo ay qaraxyo Fashiliyeen, ayaa markii ugu horeysay waxaa ka hadlay Ra’iisul wasaaraha soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon.

Dr Saacid waxaa uu maamulka iyo Ciidamada ku sugan magaalada Kismaayo ugu hambalyeeyay horumarka dhinaca amaanka ay ka sameeyeen Bacdamaa Shalay iyo Maanta laba qarax oo kala duwan ay ka hortageen.

Shalay ayey aheyd Markii baabuur waxyaabaha qarxa lagasoo buuxiyay lagu qabtay Magaalada Kismaayo kuwaasi oo Shabaabka ay la damacsanaayeen in ay ku qarxiyaan goobo muhiim ah oo ugu dambeyntii ciidamada Maamulka ay ku guuleysteen in ay Gacanta ku dhigaan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa dhamaan Shacabka iyo Maamulkaba ugu hambalyeeyay howshaasi balaaran ee ay isu xil saareen, wuxuuna ku booriyay in ay sii laba laabaan oo amaanka ay adkeeyaan.

Riix halkan si aad udhageysato hadalka Ra’iisul wasaaraha

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

2 Jawaabood " DHAGAYSO: Ra’isul Wasaare Dr Saacid oo amaanay maamulka Kismaayo "

  1. kismaayo says:

    aad ayaad u mahadsan tahay Dr saacid, dadkaada iyo dalkaagana taageer dulmina haku taageerin. w/cccccc to kismaayo and all Jland waa dalkaadi lakin naga ilaali ninka gurguurte ee qabyaalada badan.

  2. Xaq u dood says:

    Waxaad moodaa raizal wasaaruhu in uu yahay nin lahayste ah oo aan mowqifkiisu uuna saxnayn. Raiizal wasaare mawqifkaaga cadee