Home » News »

Faah Faahin: Mid kamid ah dagaaladii ugu xooganaa oo Shabaab iyo dowlada ku dhexmaray duleedka Jowhar

Waxaa Saaka aroortii hore dagaal culus uu ka dhacay Deegaanka Qalimow oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe, kaasoo ay isku hariyeen Xoogaga Alshabaab iyo Ciidamada Dowlada iyo AMISOM oo dhinac ah.

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Qalimow Alshabaab ayaa Saaka aroortii hore fariisimo ay leeyihiin Ciidamada huwanta ku soo qaaday weerar xoogan , iyadoo Alshabaab ay dagaalka ku bilaabeen Qoryaha Garabka laga tuuro.

Ciidamada Dowlada iyo AMISOM ayaa weerarka iska difaacay, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal mudo qaatay.

Dadka deegaanka Qalimow oo la hadlay ayaa sheegay in dagaalki uu soo gaaray ilaa duhurkii ayna jiran qasaaro aan cadi ahayn oo ka dhashay.

Ku dhawaad 20 kamid ah dhinacyada dagaalamay ayaa la sheegay in dagaalkas ay ku dhinteen kuwa kale oo ka badana dhaawacyo soo gaareen.

Sargaal uhadlay ciidamada dowlada ayaa sheegay in dagaalka iyaga lagu soo qaaday, lagana dilay afar askari, hase ahaatee ay Shabaab-kii weerarka soo qaaday ka dileen ilaa 15 askari.

Xaalada ayaa wali kacsan, waxaana dagaalkii maanta uu xiisad colaad ku abuurtay magaalada Jowhar oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.