Home » News »

Taliye Ciidan oo ku dhaawacmay Muqdisho iyo Booliska oo kahadlay

Waxaa manta magaalada Muqdisho ku dhaawacmay Taliyihii ciidamada Taraafikada wadooyinka ee dowlada, iyadoona haatan lagu daaweynayo isbitaal kuyaal magaalada.

Askari katirsan ciidamada dowlada ayaa lasoo sheegayaa in rasaas ay kaga fakatay Taliyahan oo lagu magacaabayay Cali Gaab.

Arinyas ayaa waxaa kahadlay Taliska Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo sheegay in shaqaaqo Maanta ka dhacay Degmada Waabari uu dhaawacmay  Taliyaha Ciidamada Nabad Galyada wadooyinka Cali Xirsi Barre Cali Gaab.

Hogaanka Dambi Baarista CID-da ahna Afayeenka Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed C/laahi Xasan Bariise ayaa warbaahinta Muqdisho kula hadlay Gudaha Isbitaalka Daarul-Shifaa, waxaana isbitaalkaasi ku jiray Taliyaha Ciidamada wadooyinka Cali Gaab.

C/laahi Xasan Bariise ayaa sheegay in dhaawac fudud uu soo gaaray Taliyaha Ciidamdada wadooyinka Cali Gaab, isagoo sheegay in taliyaha uu ku dhaawacmay shaqaaqo ka dhalaya Isbaaro laga qaadayay wadada 21 October.

Waxaa uu sheegay in hada Taliyaha xaaladiisa caafimaad ay soo hagaageyso, isagoo sheegay in isbaaradii laga qaaday meesha Taliayaha uu ku dhaawacmay.

Taliyaha Ciidammada Nabad gelyada wadooyinka gobolka Banaadir Sareeye Guuto Cali Xirsi Cali Gaab ayaa waxaa dhaawac uu kasoo gaaray lugta waaberigii saakay sida ay dhaqaatiirta isbitaalka Daar Al-Shifa ee magaalada Muqdisho sheegeenna caafimaadkiisa aad ayuu u wanaagsanyahay oo wey dabiibeen mana jiro wax laf ah oo ka jabay.

Cali Gaab ayaa ka mid ah saraakisha ugu shaqada badan Dowlada Soomaaliya, waxaana si weyn loogu xasuustaa marka ay xirmaan wadooyinka inuu kala canaanto gaadiidleyda, isagoo wixii sharci daro ku socda waafahjiya sharciga wadooyinka.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.