Home » News »

Wafdi uu hogaminayo Madaxweyne Xasan Sh oo uduulay dalka Turkiga

Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gordhaweyd ka duulay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa la socday wasiirka arimaha dibada,Wasiirka Gaashaandhiga,Wasiirka maaliyada Xukuumadda Soomaaliya.

Kahor inta aysan ka bixin garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa saxaafada garoonka Muqdisho kula hadlay wasiiirka arimaha dibada dalka Soomaaliya.

Fowsiyo Yusuf Xaaji Aadan ayaa sheegaty in casuumad rasmi ah ay ka heleen Dowladda Turkiga taasi oo ku aadan booqasho ay dalkaasi ku tagayaan.

Waxa ay sheegtay in masuuliyiinta dalka turkiga ay kala hadlayaan arimaha ammaanka dalka Soomaaliya horumarada dhanka ganacsiga dalka Soomaaliya iyo arimo kale.

Waa markii ugu horeysay ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu uduulo dalka turkiga tan iyo markii lasoo doortay.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.