Home » News »

Ma Dhabaa In Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu doonayo inuu Dalka Soomaaliya labo u Kala Qaybsamo (xog xaasaasi ah)

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa aqbalay in 10 sanadood oo ay daakhiliyad  qaadato Maamulka Somaliland si ay u fududaato in isfahan laga gaadho wada hadaladii uu bilaamay Madaxweyne Shiikh shariif iyo somaliland ka dib xidhiidh dhinacyadda Telenoofadda iyo Emailadda ah oo ay is dhaafsadeen Madaxweyne xasan sheekh, Somaliland iyo Qaramada Midoobay.

Ilo wareedyo Muhiim ah ayaa shaaciyey in Madaxweyne xasan sheikh maxamuud inuu aqbalay in 10 sano ay Somaliland qaadato Daakhilayad ka dibna cod laga qaado dadweynaha dagan Waqooyiga Soomaaliya hadii ay go’i karaan iyo hadii ay Somaliweyn ka mid noqonayaan, Daakhilayada ay qaadanayso Somaliland ayaa ah mid ay u madax-banaan yihiin Adeegyadda Bulshadda iyo Xidhiidhyadda Ganacsi balse ay Siyaasad ahaan si KMG ah u hoos imaanayaan Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, wajiga labaad ee  Wada hadaladda Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Somalilnd ayaa la filayaa in uu ka furmayo London bisha Janaayo 2013 inkastoo wax yaabaha looga hadlayo shirkaas lagu dhameeyey qaybaha kala duwan ee Xidhiidhyadda Emailadda iyo Telefoonadda oo ay wada yeesheen Madaxdda Dowldda Federaalka Soomaaliya, Somaliland iyo Qaramadda midoobay oo gar wadeen ka ah wada hadaladaas Todobaad ka hor ayay ahayd Markii la sheegay in kulan Gogol xaar u ah qodobada ay ka wada hadli doonaan labada dhinac uu ka dhacay magaalada Dubai taasoo lagu gorfeeyey go’aamadda laba taabtanka ah ee somaliland ay ku helayso maamulka daakhiliga ah islamarkaana la doonayo in loogu gudbo maamul madax banaan.

Hadalkan ku aadan madax banaanida somaliland ee uu dabada ka riixayo madaxweyne xasan sheikh maxamuud ayaa dhabar jab ku noqon kara magacii laysku oran jiray  jamhuuriyada F somalia taasoo keeni karta inay maamulo kale oo iminka taagersan dowlada somaliyana ay weji kale lasoo shir tagaan islamarkaana taasi ay keento kala go, ku yimaada dalka Soomaaliya.

——————–

Yaasiin Faytin, Muqdiho/Somalia, yaasiinfaytin@gmail.com.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

3 Jawaabood " Ma Dhabaa In Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu doonayo inuu Dalka Soomaaliya labo u Kala Qaybsamo (xog xaasaasi ah) "

  1. san libaax says:

    Faan badanaa hala arko ninkay dani ugu jirto gobolka waqooyi inuu go’o
    Waxaa ku xigi doona puntland iyo jubaland xassan culusow waxuu mooday
    Somali inay hawiye meel ugu xirantahay. Shan dal ha noqoto somalia
    Siyaasadii hawiye waxay noqotay mid bada iibsada, mid dalka kala jara iyo mid su ku aasa so maahan? Aynu aragno meesha ay somalia ku danbayso
    Wabilaahi towfiiq

  2. kista says:

    gurguurte naf malahan wadanina ma aha ee waa qabiili waana ka suurta gashaa waxwalba. lakin wadanku soo baarlamaan iyo rwasaare ma lahan? taladu kaligiis kama go’do takale aftida waa somalia ooy ka go’ayaan in looga qaado haday fasaxaan iyo hadii kale ee ma aha woqooyi kaliya!

  3. siyaad says:

    Waa arin aad iyo aad muhiim u ah in Ddaka wax tabanaya si kasta oo loo qancin karo loo qanciyo soomaalilamd sida magacaba ka muuqata waa soomaali waliba soomaali wadaniyiin ah oo soomaalinimada si dhab ah u jecel hadii aan dhinac iska dhigno Qabiilka na raggaadiyay ee asaageen ainaga reebay, Waxaan qabaa in soomaali midoobayso goor ay ahaataba waqooyi waa hoygii suugaanta soomaaliya, markaan taariikhda dib u miicsano la dagaalankii gumaystaha waxa bilabay reer waqooyi waqqooyina waxa ay xornimada ka hor qaadatay ” ITALIAN SOMALILAND” Marka walaalayaal yaynaan kala goin kala go eenu waaguul usoo hoyatay cadawga ummada afka soomaaliga ah ku hadasha waanu isu baahanahay hadaanu nahay koonfur waxaanu doonaynaa suugaantii waligeedba ka soo burqan jirtay waqooyi, hadraawi tubeec, dhuule, mml,sahra axmed hibanuura dhamac,saado cali, kuli idina sidoo kale kama maarantaan kuwa koonfur sida yam yam , samatar,ustaad naaji, cali dhux cabdi tahlii,xabiibo xasan tooxoow,gacal xaayoow, khadiijo dalays, , aa cigaal. shareeco , carys ciise,maka xaaji b,iyo kuwa kale oo badan” SOOMALIY HA NOOLAATO”