Home » News »

Mid kamid ah Odayaashii soo xulay barlamaanka Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

Kooxo hubaysan ayaa xilli dambe oo Galabta ah toogtay oday nabadood ah oo kamid ahaa nabadoonadii soo xulay Baramanka cusub ee somalia.

Nabadoonkaan ayaa lagu dilay xaafadda Jiiro Miskiin ee degmada Wadajir waxaana dilkiisa fuliyay saddex wiil oo dhalinyaro ah isla markaasna ay ka qaateen bistoolad uu watay Nabadoonka.

Nabadoonkaan la dilay ayaa lagu magacaabayay Maxamed Maxamud Yuusuf oo ku magac dheeraa Codeey.

Waxaa goobta ka baxsaday kooxihi dilka fuliyay iyadoo ciidamada amaanka ay soo gaareen goobta kadib markii dilka uu dhacay iyadoo isla markiiba ay ku dhaqaaqeen baaritaanno laakin aysan soo helin cid lala xiririnaayo.

Ma ahan nabadoonkii ugu horeeyay ee lagu dilo Muqdisho ee kamid ahaa kuwii soo xulay xildhibaanada ee 135 xubnood ka koobnaa iyadoo Ay jireen in Degmada Wabari lagu dilay Malaaq kamid ahaa kuwii soo xulayay xildhibaanada.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

2 Jawaabood " Mid kamid ah Odayaashii soo xulay barlamaanka Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho "

  1. asc waan insalaamay salaan qaali ah salaan kadib waay fiican tahay inmaamul loosameeyo jubooyinka iyo lkn waxaa fiican inlagasaaro dhamaan ciidamada kiinyaanka kismaayo waayo runtii kinyaanka ma aha dhaxdhaxaad mana lakuqanacsana oo waalaga soohorjoodaaaaa indaana maamul ladhisin halagaara kismaayo kinyaanka waa haday qabsan wadanka midakale ani waan yaabaye maxaa loodiiday hogaamiye gooxeedkii qaar qaarna loo ogalaaday waa su.aal? ubaahan jawaab ok

  2. keerow Eyle says:

    Hoggaamiye Kooxeedyada waxaa loo diidey waxey lacag laaluush ah siinayeen madaxdii RRA iyo dawlad ku sheegyadii ka dhisnaa xamar.

    Marka Kenya iyadoo kaashaneyso IGAD iyo AU waa iney dhisaan Maamul iyaga talada ka qaata oo aan ahaynin Hogaamiye Kooxeedyo, Xagjirro iyo Tuugo ku qaraabaneyso magac Beeleed.