Home » News »

Nin Magaalada Hargaysa ku gowracay Haweenay, isla markaana isku dhiibay ciidamada Amaanka

Saciid Muxumaed Cali Magaalada Hargeysa waxaa looga yaqaanaa ( Ina Cirro weyne) wuxuu Magaalada dhexdeeda ku tumaa biraha baabuurta, wuxuu xalay qoorta ka ka dhaawacay oo uu bireeyay gabar qaadley ah oo lagu magacaabo Ardo Muumin.

Gabadhaan ayaa la sheegay in ay Jaad ku iibineysay meel dhowr talaabo u jirta Saldhigga dhexe ee magaalada Hargeysa, sidaasi waxaa sheegay qof goob jooge ahaa.

Dhaawaca gabadhaan ayaa iminka lagu daweynayaa Hosbitaalka magaalada Hargeysa, waxaana lasoo sheegayaa in xaaladeeda ay aad u liidato.

Ninkaan ayaa gabadha ka dhaawacay Qoorta, Caloosha, iyo dhowr meelood oo gacmaha ah, waxaana ugu daran dhaawaca kasoo gaaray qoorta oo uu ka bireeyay.

Ninkaan ayaa iminka ku xiran saldhigga dhexe ee Magaalada Hargeysa, waxaana la sheegay in isaga uu iskiis isu geeyay kadib markii uu Gabadha meyd ahaan uga tagay.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa fal dambiyeedkaan, waxaase la sheegayaa in ninkaan lagu wareysanayo Saldhigga dhexe ee magaalada Hargeysa.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.