Home » News »

Shabaab oo diyaariyay haweenay dagaalama iyo kuwa isqarxiya

Kooxda kasoo horjeeda dowlada Soomaaliya ee  Al-Shabaab ayaa sheegay in ay diyaariyeen Haween ka qeyb qaata dagaalada islamarkaana fuliya falalka qaraxyada ah.

Hadalkaan waxaa Sheegay Gudoomiyaha Al-Shabaab ee Gobolka Hiiraan ninka lagu magacaabo Sheekh Yuusuf oo la hadlayay dhalinyaro ku sugan degmada Buulo burde ee gobolka Hiiraan.

“ Waxaa hadda Shahaadada doonaya Gabdhaheena, ragiina horey ayey isu qarxiyeen ” ayuu yiri Sheekh Yuusuf oo kamid ah hogaanka Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha ayaa yiri “ Waxaan diyaarinay gabdho howlgalka fulin kara oo u diyaar ah Shahaadada ayuu yiri”.

Waxaa uu dhalinyarada u sheegay in Shabaabka ay ka go’antahay in ay dib u qabsadaan deegaanadii laga saaray gaar ahaan Gobolada Hiiraan iyo Jubooyinka.

Hadalkan Shabaab ayaa kusoo aadaya xili waayadan ay bilaabeen weeraro ay ku qaadayaan qaar kamid ah magaalooyinkii horey looga soo saaray sida Muqdisho oo kale.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.