Home » News »

Taliska Taraafikada oo wax ka qabanaya qiimaha badan ee lagu raaco gaadiidka Muqdisho

Shacabka Soomaaliyeed ayaa cabasho balaaran ka muujinayay lacago badan oo ay gaadiidleyda Muqdisho ka qaadaan marka ay isaga kala gooshayaan xaafadaha magaalada.

Hadaba Taliyaha Ciidamada Ilaalada wadooyinka Gobolka Banadir Generaal Cali Xirsi Barre Cali Gaab ayaa sheegay inay soo gaareen Cabashooyin ka imaanaya bulshada magaalada Muqdisho.

Taliyaha aya sheegay in dadkaan ay ka cabanayaan inaan la dhimin qiimaha lagu raaco baabuurka oo ay qaadaan qiimo lamid ah kii hore gaariga loogu raaci jiray xiligii ay isbaarooyinka yiileen magaalada Muqdisho.

“waa in Tallaabo laga qaado Gaadiidleeyda ka dhex shaqeyso deeganada muqdisho oo ay dhimaan qiimaha lagu raaco baaburta isla markaasna kii ka hor yimaado sharciga la hor geeyo ayuu yiri Cali Gaab.

Hadalka Sareeye Guuto Cali Xirsi Barre Cali Gaab ayaa imaanaya iyadoo todobaadkii hore magaalada Muqdisho laga qaaday isbaarooyinki yiilay gudaha magalaada isla markaasna aysan jirin wax qiimo dhimis ah oo ay sameeyeen gaadiidleeyda ka shaqeyso gudaha magaalada Muqdisho.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.