Sida ku cad Dekereeto kasoo baxday xafiiska Wasiirkii Arrimaha Gudaha Soomaaliya ee dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdulaahi Yuusuf Axmed Mr. Mohamed Mohamoud Guled, waqtigii ay jirtay dowladdii dhexe ee uu Maxamed Siyaad Barre madaxweynaha ka ahaa ayaa waxaa Degmooyinkii Soomaaliya markaas ka jiray lagu daray laba degmo oo cusub oo kala ahaa:
1. Degmada Rage Ceele oo ka tirsan gobolka Shabeelada Dhexe
2. Iyo Degmada Buurdhuubo oo ka tirsan gobolka Gedo.
Tixraaca amarkii Xafiiska Madaxtooyada kasoo baxay waxuu ahaa: M.J.D. 194/186/15/8/1990, Nambarkii warqadda Degmooyinka loogu magacaabayna waxuu ahaa W.A.G/5X5/96, Taariikhda ay warqadda soo baxdayna waxay aheyd: 20/9/1990.
Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ee xiligii dowladii Cabdulahi Yuusuf Axmed Mr. Mohamed Mohamoud Guled oo Tixraacaya Dekereetadii waa hore Rage Ceele iyo Buurdhuubo loogu magacaabay in ay Degmooyin buuxa yihiin ayaa waxuu ku war-geliyay Hay’adaha UN-ka ee ka howl-gala Soomaaliya in ay labadaas Degmo ku darsadaan tirada Degmooyinka guud ee Soomaaliya ka jira, uguna tala galaan Rage Ceele iyo Buurdhoobo in ay yihiin Degmooyin buuxa.
Tixraaca warqada kasoo baxday xafiiskii Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee xiligaas Mr. Mohamed Mohamoud Guled ayaa aheyd: WAG/776/07, Taariikhda ay warqadaas xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha kasoo baxdayna waxay aheyd: 12/09/07.
Si aad u aragto, Dekereetada rasmiga ah ee kasoo baxday xafiiskii Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ee xiligii dowladdii Cabdulaahi Yuusuf Axmed, arag masawirka Dekereetada lagu magacaabay Buurdhuubo oo ah tan hoose ama Guji Link-iga ka hooseeya:
http://www.allgedo.com/Tempe/Dekereetada%20lagu%20magacaabay%20degmada%20buurdhuubo.htm
Haddaba, kaddib markii aad si fiican u akhriso Dekereetada dowliga ah ee markii labaad lagu magacaabay in Buurdhuubo ay tahay degmo rasmi ah, waxaa kuu soo baxaya in tirada Degmooyinka gobolka Gedo ay noqoneyso 8-da Degmo ee hoose:
1. Degmada Garbahaarey
2. Degmada Baardheere
3. Degmada Buurdhuubo
4. Degmada Luuq
5. Degmada Doolow
6. Degmada Beled-xaawo
7. Degmada Ceelwaaq
8. Degmada Ceelcadde.
————
Aden Colujoog, AOL Editor-In-Chief.


Aden Colujoog,
Yaa iskuhaysta inay Buurdhuubo Degmo tahay ?
Mareeg State, Galmudug, Xibin iyo Xeeb iyo meelo kale oo State-yo lagu magacaabay waxaa kawayn Buurdhuubo. Waa caddaalad darro in layiraahdo Buurdhuubo Degmo looma aqoonsano.
Sidoo kale mar haddii la aqoonsanaa Dawladdii Cabdullahi waa in Buurdhuubana la aqoonsadaa haddii kale State ayaanu u badali doonnaa,
Ramadan Kariim
Yaa diidan in ay buurdhuubo degmo tahay? Suaasha nooga jawaaba ilaah khayr ha idinsiiyee.
———-
From Allgedo Online
Akhriste, Ma ahan Buurdhuubo oo kaliya ee waxaa jirta in sidaan oo kale horay Dekereeto dowli ah looga soo saaray inay Ceelcadde tahay Degmo. Waxaa socda baaritaan qoto dheer oo aan ku hayno sababta keentay in labadaas Degmo ilaa iyo hadda ay uga mid noqon la’yihiin degmooyinka gobolka Gedo.
Ilaa iyo hadda waxaan haynaa cadeymo muujinaaya sababta keentay in Buurdhuubo laga hor istaago in ay noqoto Degmo, waxaana AOL kusoo bandhigi doonaa kaddib markii ay baaritaanka aan wado uu noo dhamaado.
Degmada Ceelcadde ayadana baaritaan baan ku haynaa, sababta loo horistaagay in ay noqoto Degmo ka mid ah Degmooyinka gobolka Gedo, laakiin waxaad moodaa wararka horudhaca ah ee aan heleyno in ay jiraan sababo aan macquul aheyn ee isku mid ah oo ay labadaas Degmo uga mid noqon waayeen degmooyinka gobolka Gedo.
Kala socda AOL qoraalo iyo wareysiyo isdaba joog ah oo la xariira sababta keentay ilaa iyo hadda in aanay labadaas Degmo noqon degmooyin buuxa ayada oo magacaabistoodana lagu soo saaray DEKEREETOOYIN DOWLI AH.
Maamulka AOL.
WA CIDE CIDA DHAHDAY B/DHUBO DEGMO MAHAN?
B/DHUBO WA DEGMO BUXDA.WAXEYNA KAMID TAHAY DEGMOYINKA G/GEDO,CIDAN OGEYN HADA HA OGATO.WAN OGNAHAY DAD QAAS AH AYA KA HOR IMADSAN,OO HADII NIDAM LAHELO AAN USURTA GALEN INEY UMADA HORTAGNADAN.TALO AHAN WAXAN DHAHAYA MARNABO SHAQSIYAD DANO GAR LEH WAXBO KAMA DHAGEYSANAYAN DANAHA DALKA&DADKA SOMALIYED,QASATAN DADKA UDHASHAY G/GEDO.WAXANA KULA DARDARMAYA DADKA HORUMARKA G/GEDO INEY FIRI GONI UYESHAN DADKA WARA QADAHA BENTA AH WAZARADAHA DOWLADA LAHOS ORDA IYAGOO KU MACARADAYO INEY B/DHUBO DEGMA AHEYN.WAA DEGMO BUXDA B/DHUBA FAD&AMA HAFADIN WAA LAGU FADSIIN.TAA KUSEXO KUNA SOOTOOS.HATAN WAXAA MAMUL USAMEYNAYO BARASABKA G/GEDO SIDA UGU DHAQSAHA BADAN SIDA DEGMOYINKA KALE OO G/GEDO LOGU SAMEYAY.OO HATAN DOWLADA KUSUGANNTAHAY.
asc,waa wax aad&aad looga xumado in nidam dowli ah laga horuimada,lana raci dad daneysta yaal ah.hadan nahay dadka udhashay degmada b/dhubo waan ogsonahay dadka waxaa lafadhiya melaha fadhi kudurirka,waxanu lenahay allaha idin soo hanuniya.ayahay b/dhuba anaga ayaa utashanay wa degmo caan ah,nd its better 2 follow da right direction who ever ur.thanks dhaman rer gedo qasatan re burdhubo.waxan mar waliba xasusta canaha fresh ka ah oo kayimado tuloyinka ku harersan degmada.sida ABORE,SURIYA,IYO DADKA DEGANKA ISKA LEH OO AH DAD AD UNABAD JECEL.KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK BY Y DHALINTA BESHA YUSUF DHERE OO KATIRSAN BEL WEYNTA XG.ANAGA AYA WAXUSOO BARANYENA OO MAQAN.
Waxaan rabaa inaan dadka usheego xoriyadu waxay tahay si sifiican loofahmo waxaa kajirey mudo dheer Somalia dowlad la,aan. waxay keentay taasu in lagusookordhiyey wadankii Gobolo badan tusaale waooyi waxaa lagusookordhiyey 2gobol, tusaale kale Puntland waxay ahayd 4Gobol hadana waxalaga dhigay 7Gobol dadka degen melahaas ayaa nidaamkooda iyo say unoolaanayaan go,aansaday maxaad ugaduwantahay Soomaalida gobolada cusub samaystay ilaan waa isladalkii waxa gobolada cusub lagudaraye adiguna hal degmo baad kahadleysaa. Hadii aad adigu go,aansato inaad degmooyin kasameysato meel kamid ah dhulkaad degentahay unaqalanta su,aashu waa yaad marti ugatahay ood weydiisaneysaa ogolaansho. Wasiirbaa wareegto soosaaray warmaahan adigaa degaankaaga xor u,ah adigu wareegtadaad soosaartaana kashaqaynaysa taas ogow oo isbar adigu guriigaaga inaadan cidna ogolaansho ugabaryin laakiin inaad cidkaleeto karaadisid inay kuu ansixiyaan degmo aad adigu degentahay waa daciifnimo. Hadey uqalanto Gobol adigaakadhigikara waana kalsooni daro inaad tiraahdidi wasiir isaguba magac uyaal ahan wareegto kasoo qaadanayaa adigaa wasiir isu ah cidna gurigaaga haka baryin waxaad kasamyneysid ee iskukalsoonoow adigu.
Degmo ayaad kahadleysaa gobolo ayaa lasameystay. Maxaa lagaarabaa adigana? Waa inaad horumar keentaa dhaqaalo keentaa nabadgelyo keentaa soojiidataa dadkakale si aad uhorumariso degmadaada wax wanaagsan oo lagugusooraaco keentaa si aad usoojiidatid xitaa Soomaalidakale markaas waxaad rabto ayaad gaareeysaa, laakiin hadaad rabto inaad tiraahdid anagoo ree hebel ah baa degmadaan iskaleh meelaan waxba kajirin taas waad kukhasaareeysaa ee samee horomar iyo waxlagugu sooraaco oo soojiido dadka markaas waasax oo riyadaasu waa kurumoobeeysaa intaas ayaa muhiim ah waana hawl adag oo kusugeeysa taas ogow. inkastoon ahay anigu ree B/Balle sidaas bay iilamuuqataa aragtidaydu waana talo walaalnimo.
Asc akhyarey b/dhubo wa dagmo dhameystiran cid u manta cad kasaran yahay ma jirto wax tarkeda way muqata waxan xasusta nabadki kaso bixi jiray bereheda sida muuska canbaha qaraha galeyda iwm wax isku haystana majirto dagmadas b/dhubo hadana wa dagmoyinka ugu calamisan gado marka waxan leyaha Viva b/dhubo janay
kkkkkkkkkkkkkk
aniga markaan waxaas mqalo waan yaabaa war buurdhuubo yey dagmo kabaryeysaa wayna ahayd wayna ahaan doontaa waxaa tusaalo kugu filan 20kii sano uu burburka jiray wadanka waxaa kashaqeenayey haayado haayadaas buurdhuubo ogama aysan shaqayneenin sida tuulo waxay ku lahaayeen xafiisyo waxayna laheed inta dagmooyinka kalo ay lahaayeen haayadaas ma anaa utagay oo iri buurdhuubo waa dagmo maya waa wax ay indhahooda ku arkeen midda kalo subixii maxamed siyaad barre uu taagnaa buurdhuubo uu umagacaabayey dagmo yaa ku qasbaayey qofna markuu arkay sida ay udhigantahay iyo magaalooyinka kalo ee dagmooyinka loo magcaabay iyo sida ay uga ween tahay meelaha qaar subaxaas uu taagnaa mushruuca gurigii uu kulahaa waa maalin xauus badan war warkaas akhiyaareey yaan lagu daalin buurdhuubo ayadaa isku filan ayadaana gobal isu dagmana isu ah dhulka aad aragatay ayey ku fadhidaa dhaqaalo ku filana way haystaa beeraha aad aragatay iyo xoolaha aan aragnay ayaa kunool waan xaduud gobala badana xariir la leh burrdhuubo isku filan dadka riyoonaya intay leeyihiin yey buurdhuubo dagmo noqon yeysan meesha wax ku wayn waaa iga digniin by shiine faarah
Burdhubo iyo celcade labaduba wan arkay runti wey u qalman degmo weyna yihin ocidna lagala tashan mayo e maxey kugu tala dadka dagan gedo aya kajifa gobolkoda o fikirkodana wuxu noqday qabil qabil halka somalida kale ey iskutashten rer gedo waxan idin leyahay sida isudhama
Buurdhuuba waxaa dagmo u diidan cidda raaxoole iyo alkowthar degmo ka dhigtay, jawaareey iyo gurbaana usoo wada degmooyin kale.
Waxaa meesha ka maqan degmooyinka Ceel-cade iyo Geedweyne kuwaasna waa in Dowladu ku darto
Buurdhuubo iyo ceelcade yaa diidi kara? dadka deegaanka ayaa u aqoonsan degmo. cid kale oo baryayaan majirto. Somalia waxay noqotay Federal. Gobol kasta dadka degan ayaa dowlad isku ah. qabiilkasta isaga ayaa haduu rabo samaysan kara Gobol. degmo, madaxweyne iyo madaxweyne kuxigeeno
Yaa oron Kara buurdhuubo degmo mahan cidaas maxkamad ayaa lasooo istajinayaa maxaa yeelay degmada sharafteeda ayeey meel uga dheceen
DALKA DADKA LEH AYAA DHISTA OO AMA DEGMO, GOBOL, MAAMUL GOBOLEED. DAWLAD GAARSIIYA, HADDII WAX LAGA QABTO OO HEERKA LA RABO LAGAARSIIYANA CIDI MA DIIDI KARTO CIDAY DOONTABA HA NOQOTEE QOF KU JECEL IYO MID KU NECEB,WAXAAN KU TALIN LAHAA INAAD DALKIINNA DHISATAAN, WAXAA GEDO LAGA RABAA DEGMOOYIN KA BADAN BUURDHUUBO IYO CEELCADDE WAYNA ASTAAHISHAA HADDII DAD DALKAASI LEH LAHELO. OO KA SHAQEEYO HORUMARKIISA HADAL WAX MATARAYO EE HAWL BAA LA RABAA.
BUURDHUUBO TUULO AYADOO AHAA IIGU DANBAYSAY SXBYAL GOORMAY XAALKAN GARTAY
war aniga waxaa la yaabaa dadkan reer gado ee ku waashey dagmooyinka waa la ogyahay gobalka gado waa 6 dagmo waxna lagu dari maayo lagana dhimi maayo ee anaga tuulooyinka caanooleyda caanaha iyo xaabada keensato hanooga dhigina dagmo.
dadki cuqdad iyo dhul yaraan ay u gaysay inay dagmooyin magacaawdaan hadaba reer gado dhul yarina ma hayso dagmooyin ku filana waa leedahay ee tuulooyinkeeda hoostaga dagmooyinka la yaqaano sida baardheere.luuq oo loo yaqaqano (Alley) iyo garbahaareey & ceelwaaq & beledxaawo & doolow. intaas wax dhaafsan lama aqoonsan doono insha allah hadaa nahay dadka u dhashey gobolka dagmooyin nagu filan waa leenahay ee dadka soo galootiga ah inay meel dagaan oo iska magacaawdaan dagmooyin ma ogolaan doono natiijadii kasoo baxdana gobolka sal iyo raad toona kuma yeelan doonto insha allah
aniga waxaan layaa banahay dadka gobolka udhashay oo hada kahalaya buur dhuubo waa dagmo iyo ma ahan waxaa larabay hada inaad ka doodaan caal gaduud dhamasa faa faxdhuun buusaar garileey iyo magaala barwaaqo marka dadkii dhuka udhay haday magaaloyin koodii waa weynaa ay leeyihiin dagmo ma ahan xiligii burburka dhacayay dagmada ahaa goormay asaagood gaarayaan soomaalida waxey dhahdaa caata ninkii lahaa kafadhiyo macdo marka inta fakartaan fadhiga kaca mida kale waxaad haysataan gobolka ugu weyn gobolada soomaaliya xuduuda ugu dheer soomaaliya waxey ku taalaa gado xoolaha ugu badan soomaaliya waxey joogaan gado wabiga ugu biyaha badan soomaaliya wuxuu maraa gado marka waxaad haysataan gobol ILAAHEEY qani kadhigay marka baryada iyo hibelow dagmo iimagac aawda inta iska dhaaftaan kutashada dhulkiina xoolihiina iyo maskaxdiina
anigu waxaan la yaabanahay waxa gedo gobolka looga dhigay oo baardheere looga dhigi waayey waayo/ baardheere toban jeer ayay ka wayntahay kana dad badan tahay garbahaarey .waa in caasimada laga dhigaa Baardheere waayo waa magaalada ugu wayn
waan jecelnahay gedo kolay hada nahay re gedo marka magaala walbo kutaalo waxay tahay wan ognahay mana xaqirayno yaan laysku daalin warkaan
GEDO WAA SIDEED(8) DEGMO BAARDHEERE, BALAD XAAWO, BUURDHUUBO, CEELCADDE, CEELWAAQ, DOOLOW, GARBAHAAREEY IYO LUUQ
Wardhiigleey waxey caan ku tahay neenaasta “Wardhiigleey Wasaarad waaye inta kale wakaalad waaye” Sababtoo ah wardhiigleey waa degmo aad caan u ah, oo leh meelo badan oo taariikhi ah.Shacabka degen wardhiigleey waa dad aad u soo dhaweeyo dalxiiseyaasha,waana dad aad u jecel martida.Wardhiigleey waa meesha ee ka soo jeedaan badanaa dadka ruwaayadaha jilo.Wardhiigleey waxay caan ku tahay shaleemooyinka oo runtii laga daawado badanaa filmada hindida oo ku hadlo afka soomaaliga iyo ruwaayadaha soomaalida iyo isboortiga. wardhiigleey waxee u dhisnaan jirtay sida degmooyinka loo dalxiis tago, waana degmo la ilaabi karin oo habeenkii sida maalinta oo kale iska camirnaan jirtay.Sidoo kale reer wardhiigleey waxey caan ku yihiin maqaayadaha oo halkaas looga yaqaan (baar), oo runtii markaa cuntadooda dhadhamisid aad faraha iska qaniineesid.Xiliyada aa ka hadlaayo waa 1997, hadda ma ogi in ee degmada isbadashay ama ee wali sideeda tahay.
Buurdhuubo, haday ahaan laheed degmo ama magaalo madax ugama bahan aqoonsi xamar, boosaaso, ethopia, ama kampala, buurdhuubo waxay ku taal gedo ilaah ayaana mahadaas leh, waxay tahayna anaga ayay noo tahay umaleen maayo inaan shariif af gaduud iyo wax ka liita aan waydiinayo waxay buurdhuubo tahay ama talaabo gedo ka mid ah….
taasaa run ah waxaytahayba geday kutaalaa
Asc salan qali ah kadib, waxan ad ujeclahay gobalka Gedo iyo dhamaan re Gedo.waxan ad ujeclahay inan kafakarno sidi gabalka Gedo loo hormarinlahaa dhankastaba.sida waxbarasha ,cafimaadka iyo ganacsiga iyo beeraha. Hadii annahay re Godo run ah waxamuhiim ah inan kumashquulno dantaguud iyo horharka Gedo.Burdhubo iyo Bardherane iyo Luuq ganane hakalaqadine wabilahtowfiiq.
Dhibka dhan waa reer gadaha waayo waa dad jaahiliin ah kaliye dagaal ayay yaqan iyo sida loo askareeyo tusaale ahaan meelwalba waxa laku laayo o lagu adeegto waa ayaga alshabaab ayay udagalaman dowlada way udagalaman dhalintodi. Meesha ayay ku go.day xiliga siyaad barena waxay ahayen askar marka rer gado ma fahansana wax la dhoho hormar qori iyo qajajac iyo xiqdi iyo nac bas ah ayay yaqaanan degmoyinka burdhubo iyo ceelcadde ayaga weye waxa caqabada ku ah waxa udiidan waa ayaga cadowgoodina wuu ka faa idaystay ani waxan kula talin lahaa dhalinta beesha sade in ay aayahoda katashadan gaar ahan waxan la hadlayaa kuwa waxbarta waxana ku boorinaya in ay ka fikiran sida xaabada (geeljirta iyo ciyaal macno malaha) marexan xabada looka saari laha sidi dhiigoda loo badbadin lahaa yanan la isku daalin ceelcade iyo burdhubo dagmonimadoda cid ay ka baryayan malahan dadka dagan ayaa gaarsiyay kaliya kafikira sidi naafada iyo dhig baxa ku socdo marexan loojojin lahaa
Buurdhuubo Waa degmo jirta Cid hor istaagi kartana ma jirto hadii la aqoon san waayo wax kaloo la aqoon sanayo ma jiraan
horta ??? muxu u naceb yahay horumarka dad deegaanka walee waxaad so wadaan wax yar ama marka dambe waxan maqli doonaa ???? ku doodaaya gobolka gedo ayan degnaaa..war buurdhuubo iyo ceel cade midna adi kagama baahna aqoonsi.. waliga sidi ???? lo dhigto ayad taqaanay…
ma dhib aya ku jiirah hadii ay noqotay degmo dado wan ka badiin laha aniga
maxaad taagan yihiin buurdhuubo degmo ma ah iyo wey tahay nasiibdarro ugaas iyo ugaas diid dad kale inloo doodo ama loo shaqeeyo qofkiinana ariga ayuu la mid yahay tiraahdaan kama xishootaan iyo in aad hadashaan adinkoo shaqaale u batay.