Kooxo ku labisan dareeska ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa xalay dil iyo dhac waxa ay ka geesteen Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.
Waxaa uu intaa ku daray inay dil u geesteen mid kamid ah haweenka ku dhaqan Dagmadaasi kadib markii ay isku dayeen inay ka qaataan moobil iyana ay ka dhago adeegtay sidaana uu Dilkeedu uu u dhacay.
Arintani ayaa waxa ay noqonaysaa dhibaato soo foodsaartay shacabka Degmada Kaxda maadaama aan Degmadaasi looga baran dhac iyo dilal ciidan wata dareeska ciidamada Dowladda ay ka geestaan Degmadaasi.
Waxaa jir warar sheegaya in rga dhibaatadaas gaystay ay yihiin ciidamadii dhawaan isbaarooyinka laga qaaday oo ku qamaamay dadka rayidka ah.
AOL Muqdisho Office

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.