Home » News »

Faah Faahin: Qarax ka dhacay Xaafada Islii ee magaalada Nairobi

Wararka aan ka helayno qaraxii ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka  Kenya ayaa sheegaya in qaraxaasi uu sababay dhimasha iyo dhaawac soo gaartay dadkii ku sugnaa goobtii qaraxa uu ka dhacay.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay meel ku dhow goobta lagu xareeyo qalabka dhismaha waddooyinka ee magaalada.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Nairobi ayaa la dhigay isbitaal ku yaala xaafada Islii,waxaana la sheegay in qaar ka mid ah dadka dhaawacmay  xaaladooda ay tahay mid liidata.

Waaxda police-ka ee xaafadda ayaa sheegay in la rumaysanyahay in qaruxu uu ahaa Bambaanada gacanta laga tuuro in kastoo aysan jiri cid loo qabtay falkan ka dhacay xalay  xaafadda Islii [Eastleigh].

Ilaa iyo hadda lama oga cidda sida rasmi ahan kaga dambeysay qaraxa ka dhacay xaafada Islii ee magaalada Nairobi iyado Booliska uusan kala cadeyn arintaasi.

Madaxa Police-ka ee Nairobi Moses Ombati ayaa sheegay in dhaawacyada mid kamid ah ay xaaladdiisu qatar tahay, wuxuuna intaa raaciyay in todobada kale ay xaaladduudo roontahay.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Faah Faahin: Qarax ka dhacay Xaafada Islii ee magaalada Nairobi "

  1. Sida uu sheegay mid kamid ah dadka deegaanka qarax nooca bambada ah ayaa duhurkii maanta ka dhacay Magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha Hoose. Qaraxa oo ahaa bambada nooca gacanta laga tuuro ayaa lagu tuuray sida la sheegay goob ay ka agdhawaayeen ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Magaalada Marka. Inta la xaqiijiyay labo kamid ah dad shacab ah oo ka agdhawaa goobta qarax uu ka dhacay ayaa ku dhaawacmay kuwaasi oo loo qaaday isbitaalka Magaalada Marka oo lagu dabiibayo. Goobjoogaha ayaa wuxuu sheegay in xilliga bambada ay dhaceysay Magaalada ay soo galeen sida uu sheegay ciidamo Ugandhees ah kuwaasi oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho. Majirto faahfaahin intaasi ka baxsan oo laga helayo wararka ku saabsan qaraxa ka dhacay Magaalada Marka. Maamulka Degmada Marka oo aan la xiriirnay ayaan inoo suuragalin inaan qadka tilifoonka ku helno. Qaraxa kadib ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay sameeyeen howlgalo ay kusoo qab qabteen dhalinyrao kala duwan kuwaasi oo lala xiriirinayo qaraxa ka dhacay Magaalada Marka.