Home » News »

Ganacsatada Baladxaawo oo Cabasho xoogan ka muujiyey Badeecooyin Ganacsi oo ay deegaanka keentay shirkada Hormuud.

Ganacsatada ku dhaqan degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo,islamarkaana iibisa Noocyada kale gedisan ee Raashinka ayaa waxay cabasho xoogan ay ka muujiyeen Badeecooyin Ganacsi oo aad u tiro badan oo maalmahii ugu dambeeyey Shirkada Hormuud ay keentay Magaalada, taasoo hoos u dhac balaarana ku keentay Ganacsigooda.  Qaar ka mid ah Ganacsatada Degmada Baladxaawo ayaa waxay sheegeen in Shirkad Hormuud Xafiiskeeda Baladxaawo uu soo geliyey Magaalada ilaa 12 Baabuur oo ah nooca N3 isjiidka oo ku raran Sonkor Ganacsi ah, islamarkaana ay ku iibiniyaan Qiimaha loorka sonkorta uu ka joogo Xamar, taasoo si balaaran u dhaawaysa Ganacsigooda.Ganacsade Baroow Manaxe oo ka mid ah Ganacsatada degmada Baladxaawo oo la hadlayey Warbaahinta ayaa sheegay in ay si weyn uga xun yihiin in Raashin Ganacsi ah deegaanka ay keento shirkadii Hormuud oo ay uga barteen Isgaarsiinta, islamarkaana Sonkorta ay deegaanka soo gelisey ay keentay in wax laga iibsan waayo.   “loorkii sonkorta ah Baladxaawo waxaan ku keenaa $40, waxaana saaraanaa 2 dolar oo keliya oo ah faa’idadeena, hormuudna waxay bilowdey ayuu yiri in dadweynaha Loorkii Sonkor ah ay ku iibiso $40 dolar oo keliya, taasina waxay keentay in saameyn ay ku yeelato Ganacsigeena aan mudada fog ku soo jirney.

Hadalka Ganacsatada Baladxaawo ayaa ku soo beegmaya Xilli deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Gedo laga dareemayo hoos u dhac aad u balaaran oo ku yimid Dhaqdhaqaaqa Ganacsiga.

———-
A. Ibraahin, Garbaharey/Somalia.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

4 Jawaabood " Ganacsatada Baladxaawo oo Cabasho xoogan ka muujiyey Badeecooyin Ganacsi oo ay deegaanka keentay shirkada Hormuud. "

  1. A.A.Xade says:

    Reer Gedo goorma ayaay wax fahmayaan? Illaa iyo 91kii dadka ????? fadhiya ayaa badeeco ka soo iibiya, kadibna iyadii oo qeeymihii ku fadhida kaga daba keeno Gedo saa waa ummad la rabo in la wada kiciyee. War dadkan cid kale nolol uma ogola waana wada xaasidiin mana xishoodaane, ???? ama canshuur adag saara ku dhaha kuwa idin metela ee Gobolka ka taliya.

    Waxaan la yaabay mar aan tagay, xudduudda u dhexeeyso Gedo iyo Kenya ee ah ku dhowaad 400 ee km waa min Gerilleey illaa iyo Beled-Xaawo waxaa ka furan, baqaarro waaweyn oo lagu keeydiyo Sonkor u socoto,East Africa oo aay leeyihiin nimankaa i??? ee bakaara fadhiya ee Xaaraanta ku naaxay.

    Dadkii Gobolkan muhiinka ah ee East Africa loo maro u dhashayna shaqaale jaban ayaay ka yihiin iyaga iyo ganacsatadoodiiba cid ka dhiidhisana waa laga la’yahay madax iyo mejaba dulleeysigan dul saaran!!

  2. garaad yusuf says:

    asc waxay ila tahay waa laabaahan yahay ganacsiga xorta ah baroow manaxe waxaa uu doo nayaa in uu loorkiisa dadka ku gumaysto sidaas daraadeed shacabka reer balad xaawo yay san taageerin hadalka baroow manexe oo ah nin labaatan kii sano ee lasoo dhaafay dadka ku gumaysanayay loor qaali ah

  3. Asc shirkada hormud waxan ku ogayn dhanka isgarsinta.barow manaxe waa saxan yahay mana aho dad ah ganacsado yar yar in ay bara kaciso hormud waa in laiska dhasho kana hadlan ganacsatada rer b.xawo

  4. Waxaa adag in la helo xogta dhabta ah ee ku aadan qasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay Sababo ku aadan dagaalka oo dhacay saqdii dhexe ee xalay iyo waqtigaas oo ay dadka degmadu guryaha kuwada xareysnaayeen.