Home » News »

Qarax Qasaaro gaystay oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

Ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya ayaa caawa gudaha magaalada Muqdisho lagula eegtay qarax gaystay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxaas ayaa waxaa ciidamadan lagula eegtay isgoyska Baar-Ubax ee degmada Howl-wadaag gobolka Banaadir sida uu warbaahinta AOL usheegay dad goob joogayaal ah.

Hal Ruux oo lagu sheegay wiil da’yar kana mid  ahaa dadka deegaanka ayaa dhintay halka ku dhawaad 6 ruux oo afar ay ciidamada dowlada yihiin ku dhaawacmeen.

Qaraxaas ayaa loo adeegsaday bambo nooca gacanta laga tuuro ah, mana jirto cid ay ciidamada dowlada usoo qabteen kadib howlgal ay sameeyeen.

Marar badan ayay sidaan oo kale qaraxyo loola beegsaday ciidamada dowlada ee kusugan degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir.

AOL muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.