Home » News »

Ra’isul Wasaare Dr Saacid oo sheegay in Shabaab ay lasoo baxeen qorshe dagaal oo cusub

R/wasaaraha dalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo ka hadlay kulan looga hadlayay dhibaatadii ka dhalatay madaafiic ku dhacday degmooyinka bondheere iyo Wartanabbada.

R/wasaaraha ayaa sheegay in caasimada Muqdisho sanado ka hor ay aheyd mid amaankeeda an la isku halayn Karin,isagoo sheegay in dowlada kaliya madaxtooyada ay ka rimin jirtay.

Waxaa uu cadeyay in iminka ciidamada dowlada ay guulo ka gaareen amaanka magaalada Muqdisho islamarkaana magaalada meelo ka baxsan ay ku sugan yihiin.

R/wasaaraha ayaa sheegay in madaafiic habeen hore lagu soo tuuray degmooyinka Boondheere iyo Wartanabbada ujeedada laga laha  inay ahaayeen is la isaga horkeeno dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Waxaana uu xusay inaysan marnaba aqbali doonin in shacabka iyo dowlada la isku diro shacabka Soomaaliyeedna ay la shaqeeyaan dowlada  si amaanka guul looga gaaro.

Hadalkan kasoo baxay Ra’isul Wasaaraha ayaa kusoo aadaya xili habeen kahor aqalka madaxtooyada lagu qaaday weerar qasaaro gaystay.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.