Home » News »

Howlgalo lagu soo qabtay dad aad ubadan oo laga sameeyay Suuqa Bakaaraha

Wararka saaka aan ka helayno Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saaka halkaasi ay ka socdaan baaritaano ay sameynayaan ciidamada Booliska.

Taliye ku xigeeenka ciidamada Booliiska ee suuqa Bakaaraha Gaashaanle Saciid Xasan Jimcaale , ayaa sheegay in saaka ay soo qabqabteen tiro dhalinyaro ah oo lala xiriirinayo inay ka tirsan yihiin Alshabaab.

Sidoo kale wuxuu sheegay in qaraxyadii ka dhacay xalay iyo shalay aysan geysan qasaaro xoogan isagoo sheegay in kaliya ay jiraan dhaawacyo yar oo soo gaaray dadkii ka agdhawaa goobta.

Gaashaanle Saciid Xasan,ayaa xusay in walli ay socdaan baaritaano ay ka sameynayaan xaafadaha Suuqa bakaaraha.

Dhanka kale wuxuu ugu baaqay shacabka kusugan suuqa bakaaraha ayaa waxa ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada si amaanka loo xaqjiiyo.

Maalintii shalay qarax ayaa ka dhacay suuqa bakaaraha, halka xalayna uu qarax kale oo xoogan uu ka dhacay isgoyska Baar ubax oo ku dhow Suuqaas.

Qaraxyadaan ayaa kusoo aadaya xili dowlada Soomaaliya ay sheegtay in ay samaynayso howlgalo lagu baadi goobayo kuwa amaan xumada ka gaysanaya caasimada Muqdisho.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.