Home » Faallo »

Maandhow ha is dilin ana ha’i dilin! Fanaan caan ah oo maqaal yaab leh diyaariyay

Tusmo iyo tusaale tixmaal baa lehe, Abwaan  Guure oo dilalka Soomaaliya ka dhex dhacayay u soo kuur galay, si qota dheerna uga soo baaraan degay, ayaa su’aal  adag iska weydiiyay da’yartii dalka oo dabka ku hoobaneysa faldhaqankooduna uu  noqday “iney is dilaan iyo iney wax dilaan un”, wuxuuna taa ka yiri:-

Wiilashan is dilaayee
Dilayaashu diraane
Wedka dila  ku rarane
U dilaaya naftooda
Dad iney ku dilaan
Dilka maxey ka helaan?
Daarihii jannada iyo
Haddii darajo aakhiro
Duulkani ku helayaan
Amiirradu mey is dilaan
Duhur mey is qarxiyaan
Ajir miyaanay dooneyn
Ilmaha xey u dagaayaan?

Maandhow gacaliye wiilkan is dilaayow, waxaa kula hadlaaya ee habeen iyo maalinba waanada iyo caqli celinta kula dul taagan, waa waalidkaa iyo walaalahaa, waa adeerradaa iyo abtiyaashaa, sukeeya iyo
soomaalida oo dhan iyo guud ahaan inta islaamnimada ku abtirsata ee maandhow aan kuu duceynee ha is dilin annagana ha na dilin, ee qaado duruus waxbarasho si aad berrito dalkaada, dadkaada iyo diintaadaba u anfacdo!.

Madaxda sare ee dowladda iyo hey’adaha amniga iyo garsoorka waxaan ku boorrinayaa aadanuhu xeerar kala duwan buu ku dhaqmaa gundhigga kala saarkooduna waa sharciga oo qof walba ka sarreeya, sidaa darteed haddii qofkii qof dila  inta la soo qabto qisaas la marsiiyo, waa hubaal in ay nolol iyo nabadba ka soo baxayaan, waayo allaah (SWT) ayaaba qur’aanka kariimka ah noogu sheegay oo leh “qisaasta nolol baa idiin kugu jirta” waana xalka kaliya ah ee lagu kala badbaadi karo laguna wada noolaan karo dowladnimadunasidaa ayey ku jiri kartaa ee taasi si ay u fusho la imaada miisaan caddaaladeed iyo awood wax qabad oo karti iyo hufnaan leh.

Suura gal maaha had iyo jeer, iyada oo ay ciidamadii amniga meel walba taagan yihiin in la yiraahdo gacan ku  dhiiglayaashii wax dilay wey baxsadeen!!. Macquul maaha xabsiga dhexe iyo maxkamadda dhexdooda
in ay ka dhashaan dullaaliin denbiilayaasha fikiya iyaga oo xil qaran dusha ku wata!.

Abwaan Maxamed Warsame (Taban taabo) oo farta ku fiiqaya dhibaatada ka iman karta haddii aanan qisaasta la fulin, ayaa wuxuu leeyahay:-

Nin wax dilay haddii aan
La dilinoo leyska sii daayo
Waa inuu dilka sii wataa
Saa la dili waaye.

Wasaaradda arrimaha gudaha, Garsoorka iyo caddaaladda, xabsiga dhexe iyo maxkamadaha iyo dhammaan inta ku howlan amniga guud idil ahaantoodba, waxaa la gudboon in ay yeeshaan feejignaan dheeri ah iyo xuuraansi war gal ah oo xumaha looga hor tagi karo inta uusan falka dhicin iyo qaabilaadda sharciga oo aan laga meer meerin.

Haddaba shaci dhowrayaashow ogaada qof wax dilay haddii aad sii deysaan dilku wuu sii badanayaa ugu danbeystana dilka iyo amni xumada abuurmeysa idinka ayey idin saameyneysaa ee dadka iyo dalka u
hiilliya!!!.

Qofkii ruux kale dila
Haddaan la soo qabanin
Oon qisaas la marsiinin
Ma dhamaato qur gooyo
Qaranka wow luggooyo
Dadkana waw khasaaree
Hirgeliya qaanuunka.

————-
Maqaalkan waxaa qoray: Fanaan Bashiir Cali  Xuseen.

 

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.