Home » News »

Shabaab iyo dowlada oo ku dagaalamay xaafada Farajano ee magaalada Kismaayo

Sida ay sheegayaan wararka saaka aan ka helayno magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in habeenimadii xalay dagaalo ay ka dhaxeeyay ciidamada Alshabaab iyo kuwa dowlada Soomaaliya.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay ka dib markii Alshabaab ay weerar kusoo qaadeen fariisin ciidamada Raaskaambooni ay ku leeyihiin magaaladaasi Kismaayo.

Xaafada Farjano oo ka mid ah xaafadaha magaalada Kismaayo ayaa la sheegayaa in dagaalka uu ka dhacay kaasi oo la sheegay in dhawaqa rasaasta laga seexan waayay.

Dagaalkaasi ayaa waxa uu geystay waxyeelo soo gaartay dadka rayid ah,waxaana xaalada ay tahay mid degen saaka.

Dhanka kale ciidamada Raaskaambooni ayaa waxay qabqabteen dhalinyaro badan oo ka tirsanaa ALshabaab kuwaasi oo dhexmarayay xaafadaha magaalada.

Dagaalkan ayaa kusoo aadaya xili magaalada ay ka soconayaan howlgalo lagu sugayo amaanka, maadaama ay ka soconayaan kulamo looga gol leyahay in maamul loogu dhiso Jubbooyinka iyo Gedo.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.