Home » News »

Xildhibanka deegaanka Kamakunji oo ku dhaawacmay qarax cawa ka dhacay Islii

Wararka ka’imaanaya Magaalada Nairobi Gaar ahaan Xaafadda ay Soomaalida dagantahay ee Islii ayaa sheegaya in Caawo uu qarax ka dhacay Banaanka kore ee Masaajidka Al-Hidaaya.

Sida wararku sheegayaan Xiligii Masaajidka la qarxinayay waxaa kusugna xildhibaanka deegaanka Kaamakunji Yuusuf Xasan Cabdi.

Waxaa jira warar xaqiijinaya in dhaawac uu dhanka danbe kasoo gaaray xildhibaanka, loolana cararay isbitaalka weyn ee Aga Khan.

Sidoo kale waxaa la xaqiijinayaa in qaraxaas ka dhacay Masjidka Alhidaya uu sababay dhimashada ilaa afar ruux oo mid kamid ah uu ahaa ilaalada xildhibaanka Kaamakunji.

Wararka ayaa shegaya in qaraxan uu ahaa mid loo adeegsaday bambo, laakiin lama oga in bombadaas ay ahayd mid dhullka lagu aasay ama gacanta laga tuuray

Isbitaalada waa weyn ee Islii iyo kuwa kale ee magaalada ayaa la gaarsiiyay dad dhaawac ah, waxaana laga casbi qabaa in qasaaraha uu intaas ka bato.

Ciidamo badan ayaa lagu soo daadiyay halka qaraxan uu ka dhacay ee Xaafada islii, iyadoon goobaha qaar laga soo sheegayo in rabshado ay ka jiraan.

Wararkii soo kordha dib kala soco Warqaad.com Insha Allah

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.