Home » News »

Al-Shabaab aad ubadan oo lagu soo qabtay howlgal ka dhacay magaalada Beledweyne

Ciidamada DOwlada Soomaaliya ayaa waxay dhalinyaro badan oo ka tirsan Alshabaab ay ku qabqabteen magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Wararka aan ka helayno magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah ay soo qabteen dhalinyaradaasi kuwaasi oo laga shakiyay.

Sidoo kale ku dhawaad 50 ruux oo ay  ku jiraan 25 Alshabaab ah ayaa ladhigay saldhiga magaalada Beledweyne waxaana la sheegay in lala kala saarayo dadkaan la xeray.

Saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in dhalinyarada la xeray qaarkood ay yihiin Alshabaab kuwaasi oo falal amni daro ah la geysanayay magaalada,sida ay hadalka u dhigeen.

Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa maalmahaan waxaa ka socday baaritaano ay sameynayaan ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM waxii ka dambeeyay markii dilal ay ka dhaceen magaalada.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

2 Jawaabood " Al-Shabaab aad ubadan oo lagu soo qabtay howlgal ka dhacay magaalada Beledweyne "

  1. rashiid says:

    CIIDAMADA MAAMULKA GOBOLKA HIIRAAN EE DOWLADA SOMALIYA AYAA MAANTA SOO QAB QABTAY RAG BADAN OO SHABAAB AH O KU DHUUMAALEEYSANAYAY MAGAALADA BALADWAYNE…. TALIYAHA CIIDAMADA MAAMULKA GOBOLKA HIIRAAN COLONEL TAWANE GUREY AYAA HOGAAMINAAYAY CIDAMADA BAARITAANKA SAMEEYAY..

  2. liibaan says:

    Wafdi ballaran oo isagu jira Xildhibaano iyo Fanaaniinta Hobolada Qaranka Soomaaliyeed ee Iftin ayaa maanta Gaaraya Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

    Wafdigan oo ka soo kicitimay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya ayaa Garoonka Diyaaradaha ee U gaas qaliif ee Magaalada Beledweyne waxa si weyn ugu soo dhoweeyey Maamulka Gobolka Hiiraa, odoyssha, waxgaradka, ururada Bulshada iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Beledweyne.

    Sida uu sheegayo wariyaha HN ee Magaalada Beledweyne Wafdiga ayaa markii ay ka soo degeen Diyaaradii ay la socdeen waxa loo galbieyey Xarunta Maamulka Gobolka Halaasi oo ay kulamo Xaasaasi ah ay uga soconayaan Maamulka Gobolka iyo wafdigii halkaasi gaaray.