Home » News »

Ciidamo tababar loogu soo gaba gabeeyay qeybo kamid ah gobolka Gedo

Wararka naga soo gaaraya qeybo kamid ah gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas tababar loogu soo gaba gabeeyay ciidamo katirsan kuwa dowlada Soomaaliya

Ciidamadan ayaa waxaa tababarka siinayay Saraakiil kenyan ah, waxaana lagu tababaray xaduuda Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaanm dhinaca gobolka Gedo.

Saraakiil kusugan Faafax-dhun ayaa inoo sheegay in ciidamadan tababarka loo soo dhameeyay ay gaarayaan ilaa 100 askari, waxaana tababarkan uu sooconayay mudo sedex bil ah.

Ciidamadaan oo wata gaadiidka dagaalka iyo hub badan ayaa lasheegaya inay ku sugan yihiin deegaano dhowr ah oo ku yaala gobolkaasi Gedo halkaas oo la geeyay markii howlgalka loo soo dhameeyay.

Saraakiisha ciidamada dowlada ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa sheegay in ciidamadaan ay sugayaan ciidamo kale oo tababar ugu soo idlaanayo dalkaasi Kenya.

Ciidamadaas ayaa qeyb ka noqon doona ciidamada dagaalada kadhanka ah Al-Shabaab ka wada gobolkaas Gedo gaar ahaan aaga dhinaca magaalada Baardheere.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

2 Jawaabood " Ciidamo tababar loogu soo gaba gabeeyay qeybo kamid ah gobolka Gedo "

  1. garaad yusuf says:

    asc waxaan maalin walbo maqal naa ciidamo ayaa tababar loogu sooxiray ethobiya iyo kenya oo soogaaray g/gedo wax ay qabtaan oo horumar ahna majiro waxaan waxaan u malay nayaa waa dacaayad af ka ah ee maba jiraan wax ciidan ah oo lasoo tababaro sheekada kenya waxay noqotay dhan dabagaale waxay tahay majirto kenya waa duli aan danteeda mooyee dan kale karabin wadan keena ee aan isku tashano

  2. mahad says:

    Waxaan oo ciidan ah ma Barre Qooje iyo 10ka mooryaanta ah ee uu meesha ku heysto miyey Baardheere ka saari waayeen war wuxu ciidan naf leh ma aha 2 sanno baa lagu hayaa ciidan baa tababar loo soo xiray warkaasu war loo bogay ma aha ee meesha maxaa ka socda wax kale oo aan aanan ogayn bey ila tahay inay meesha ku qarsoonyihiin.