Home » News »

Dil ka dhacay magaalada Baydhabo iyo howlgalo dad badan lagu soo qabtay oo soconaya

Rag Hubaysan ayaa xalay gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ku toogten Wiil dhalinyaro ah oo ahaa Arday wax ka dhigta mid kamid ah Iskuulada magaalada.

Kooxihii falkaas dilka ah gaystay ayaa isaga baxsaday goobta iyadoona ay gaareen ciidamo katirsan kuwa amaanka magaalada baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa saaka waxay baaritaano ay ka wadaan gudaha magaalada Baydhab ee Gobolka Baay sida uu AOL usheegay mid kamid ah dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in baaritaanada ay ka socdaan xaafada Ishaba Baydhaba iyo kuwo kale halkaasi oo la shegay in lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay dil ka dhashay halkaasi.

Ma jiro wax faahfaahin oo ku aadan howlgalka saaka ka socda magaalada Baydhaba,iyadoo aysan jirin wax sarkaalka ah oo saxaafada la hadlay.

Arintaan ayaa ka dambeysay kadib markii habeenimadii xalay qof shacab ah lagu dilay bartamaha magaalada Baydhaba ee Gobolka Baay.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.