Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa goordhow kasoo dagtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kadib safar maalmo qaatay oo uu ku joogay dalka Turkiga.
Waxaa garonka diyaaradaha ee Muqdisho kusoo dhaweeyay Madax katirsan dowlada, waxaana soo dhaweyntiisa kadib uu lahadlay saxaafada.
Xasan Sh Maxamuud ayaa sheegay in si wanaagsan uu kusoo dhamaaday safarkiisii dalka Turkiga uuna kulan lasoo qaatay dhigiisa dalkaas Abdalla Gul iyo Ra’isul wasaaraha dalkaas Rajip Dayip Ordugan.
Sidoo kale Madaxweynaha dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiyo badan ay soo kala saxiixdeen dowlada Turkiga iyo Soomaaliya taas oo ku aadan dib udhisna hay’adaha SOOMAALIA.
Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud ayaa wax laga xumaado kutilmaamay qaraxyada ka dhacay xaafada Islii ee magaalada Nairobi, gaar ahaan kii ugu danbeeyay ee uu ku dhaawacmay xildhibaanka Kaamakunji Yuusuf Xasan Abdi.
AOL Muqdisho Office

Walle afsoomaaligii waa gacan galay qar buu ka sii lushaa, yaabka yaabkiis war ummadaan yaa daba qabta oo ka naxaya? oo ka soo dagtay madaxweynihii ma qof dumar ah buu noqday?Heblaayo oo ka soo dagtay baan maqli jiray, hada Lab iyo Dhedig 2daba waa loo isticmaalaa baan u gartay, wallee dalkaan iyo dadkiisu wey ku daayeen in Alle u gargaaro ma ogiye Allana u gargaari maayo saa waa dad nimcooyinkiisii ku kufriyay oo aan abaal iyo Alle ka cabsi midna lahayn Allow adaan kaa magangalnay.aamiin.
Qoraaga waaruntaa oo wofka warbixintaan qorey wuu qalday. Laakiin kasoo dagtay-Nina waa loo isticmaalikaraa; for example, hebel geedkuu saarnaa waa kasoo dagtay. Iyo heblaayo geedkeysaarnay waykasoo dagtay. Labadaas sentence waxaa kala duwaya isku xirayaasha oo ah,waa oo dhadigloo istic maalo iyo wey lab loo isticmaalo.