Home » News »

Qasaaraha qaraxii ka dhacay Xaafada Islii oo sii kordhaya iyo Howlgaklo balaaran oo soconaya

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo xalay ka dhacay Masjidka Alhidaaya ee xaafada Islii magaalada Nairobi dalka Kenya.

Tirada dhimashada ayaa saacadan gaartay ilaa shan ruux oo Soomaali ah kuwaas oo kamid ahaa dadkii ku dukaday masjidka qaraxa uu ee xaafada Islii.

Sidoo kale Isbitaalada ayaa la geeyay dhaawacyo ilaa tobanaan ah sida ay AOL usheegeen qaar kamid ah Saraakiisha caafimaadka xaafada Islii iyo isbitaalada kale ee waayen.

Dhanka kale Howlgallo balaaran ayaa ka socona xaafada Islii taas oo ay wadaan ciidamada Kenya, waxaana ay galayaan guryaha iyagoo gaadiid waa weyn ku aruursanaya dadka Soomaalida ah.

Dad badan ayaa lasoo sheegayaa in haatan la geeyay xarumaha booliska kuwaas oo isugu jira kuwa haysta sharciga Kenya iyo kuwa kale oo Soomaali Qaxooti ah.

AOL Nairobi Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.