Home » News »

Ciidamada Huwanta oo la wareegay magaalada Jowhar

War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in magaalada Jowhar ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dawlada iyo kuwa amisom ay gudaha ugaleen magaaladaasi.

Dad kusugan magaalada Jowhar ayaa waxay uxaqiijiyeen AOL in ciidamada al shabaab ay saacad ka hor ka baxeen magaalada Jowhar iyadoona wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in ciidamada huwanta ay hadda kusugan yihiin Jowhar.

Rasaas ayaa laga maqlayaa gudaha magaalada Jowhar iyo boob ay sameynayaan ciidamada Dawlada ayna kula dhaqaaqeen xarumihii shabaab kulahaayeen Jowhar.

Ciidamada ayaa la arkayey iyagoo sii dhaafaya Cusbitaalka weyn ee Degmada Jowhar waxaana lagu soo waramayaa in xaaladu wali tahay mid aan fadhin.

Magaalada Jowhar oo shabaab afartii sano ee lasoo dhaafay maamulayeen ayaa muddo kadib ciidamada dawlada usuuro gashay inay la wareegaan maanta.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Ciidamada Huwanta oo la wareegay magaalada Jowhar "

  1. runta says:

    waa is og yahiin in uusan dagaal ka dhicin sida gedo oo kalr