Home » News »

Sargaal katirsan Sirdoonka Somaliland oo lagu dilay magaalada Laascaanood

Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in rag hubaysan ay toogasho ku dileen Sargaal katirsanaa Sirdoonka Somaliland.

Sargaalkan ayaa la dilay xili uu ka shaaheynayay maqaayad kutaal bartamaha magaalada Laascaanod sida AOL uu usheegay mid kamid ah dadka deegaanka.

Kooxihii dilka geystay ayaa meesha iskaga baxsaday waxaana la ogayn sababta loo dilay iyo cida ka danbaysay dilka Sargaalkan oo lagu magacaabi jiray C/raxmaan Ismaaciil Saleebaan (Nuuno).

Halkii dilka uu ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamo katirsan kuwa Somaliland oo howlgalo ay sameeyeen aan la ogayn cida ay kusoo qabteen

Amaanka magaalada ayaa waayadan ahaa mid degan iyadoona xiliyada qaar ay ka dhacaan dilal iyo falal kale oo amaan xumo la xariira.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.