Home » News »

Fiqi “Al-Shabaab Waa looga adkaaday dagaaladii ay wadeen”

Kadib qabashadii magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelada Dhexe ayaa Wasaarada Gaashaandhiga dowlada Soomaaliya waxaa ay sheegtay in Shabaab laga adkaaday.

Isagoo la hadlayay saxaafada ayaa Wasiirka wasaarada Gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya C/Xakiin Xaaji Fiqi waxaa uu ka dhawaajiyay inay sii wiiqantay awooda Ururka Alshabaab isagoo xusay in hal qorshe ay kusoo urureen Alshabaab.

Sidoo kale, Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay in Alshabaab ay kusoo urureen kaliya inay sameeyeen weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, isagoo xusay inay la dagaalamayaan.

“Al-Shabaab waxaa tusale ugu filan dhibaatadii ka dhacday deegaanka Buufow oo ay marar badan weerar kusoo qaadeen taas oo kaliya ayay hada awoodaan” ayuu sheegay Mudane Fiqi.

Dhanka kale, Fiqi ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada dowlada ay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Shabaab ayna gaari doonaan guud ahaanba dalka.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.