Home » News »

Madaxweyne Xasan Sh oo sheegay in ciidamada Militeriga laga saari doono Muqdisho

Ciidamo badan oo katirsan kuwa Militeriga ayaa dhibaato xooggan ka gaysta magaalada Muqdisho iyagoo dhaca dadka sidoo kalana dilal gaysta.

Xili uu lahadlayay saxaafada ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud waxaa uu kahadlay amaan xumada ay ciidamadaas gaysanyaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay ku tilaabsatay isbedel weyn isagoo xusay in lasii adkeyn doono amaanka magaalada Muqdisho.

Sidoo kale madaxweynaha dalka ayaa sheegay in magaalada Muqdisho laga saari doono ciidamada badan ee aan shaqada ku laheyn magaalada Caasimada ah,waxaana uu xusay in taasi  ay qeyb ka tahay amaanka dalka.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Xasan Sheikh waxaa uu sheegay in ciidamadaasi la dajin doono banaanka magaalada islamarkaasi loo dhisi doono xerooyin ay ku xaroodaan si halkaasi ay tababaro ugu sii qaataan.

Sidoo kale Madaxweynaha dalka ayaa xusay in ciidamo Boolis iyo Nabad ah kaliya lagu soo reebayo magaalada Muqdisho si amaanka ay uxaqiijiyaan.

Hadalka madaxweynaha dalka ayaa imaanaya iyadoo maalintii shalay Alshabaab badan ay soo bandhigeen ciidamada Nabad sugida ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa uu kusoo aadayaa xili ciidamo badan oo an la ogayn waxa Muqdisho ay ka qabanayana magaalada ay daadsan tihiin.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.